Madaxweynaha Dowladda faderalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta furay kalfadhiga 7-aad labada aqal ee Baarlamaanka Jmuuriyaddda Faderaalka Soomaaliya.
Madaxweeyne Farmaajo oo ka jeediyay qudbadiisi dastuuriga aheyd furitaanka kalfadhiga 7-aad labada aqal ayaa ka hadlay horumarka ay sameysay dowlada sadaxi sano iyo barki la soo dhaafay sidda dhaqaalaha, amniga, caafimaadka, waxbarashadda, diyaarinta doorashooyinka
Madaxweyne Soomaaliya oo ka hadlayay doorashada la filay in ay ka dhacdo dalka ayaa yiri ’waxaa ummadda Soomaaliyeed horteeda mar kale ka cadaynayaa inay iga go”an tahay in doorashadu ay habkii loogu talagalay iyo wakhtigii loo qorsheeyay ay ku dhacdo.