Madaxweynaha dowlad gobleedka koofur Mudane Cabdulcasiia Xasan Maxamed laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii 2-aad ku sugan magaalada xuddur ee caasimada gobolka Bakool ayaa maanta booqday askartii u dhhawacantay difaaca dalkooda ee ku jirta Cisbitaalka degmada xuddur waxaana madaxweynaha uu dhaawacyada gaarsiiyey deeq lacageed ee uu ku dhiirageliyey difaacida qaranka.
Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa sidoo kale bogaadiyay askarta inay yihiin laf dhabarka uu leeyahay dalka isla markaana haatan ay ciidamadqa xoogga dalka ay ku socoto daib habeyn xooggan hadii ay ahaan laheyd in la qalabeeyo iyo in xuquuqohooda loo dhameystiro.
“Ciidamada Qalabka sida waxaan dooneynaa inaan dib u qalabeyn ku sameeyno maxaa yeelay dalkaan dadkii hanaan lahaa guud ahaan Amniga waa iyaga waxaana dhameystiri doonaan xuquuqaha ay leeyihiin inagoo uga mahadcelineyno sida ay ugutaan waajibaadka loo ekmaday”ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta –gareen)
Dhinaca kale madaxweynaha ayaa waxa uu xariga ka jaray xaruun cusub ee laga hirgeliyey suuqa xoolaha ee degmada xuddur, sidoo kale isaga iyo wafdigiisa waxaa ay kormeer ku tageen dhismooyin kuyaala gudaha xaruunta.
Ugu dambeyntii madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur-Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta-Gareen) ayaa bogaadiyey hirgelinta mashaariicda hormarineed oo laga hirgalinayo degmada Xudur kuwaasi oo dhaxal gal u ah magaalada waxaana sidoo kale uu ugu baaqay hay’addaha ka hogl-galla inay wax ka qabtaan baahiyaha kale ee ka jira deegaanka.