Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan oo ka warbixiyay howl gallo nabad gelyada lagu xoojinayo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan oo ka warbixiyay howl gallo nabad gelyada lagu xoojinayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidamada amniga ka wadaan xaafado ka mid ah magaalada Beladweyne oo la xiriirta sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyaan falal amni darro ah oo ka dhacay magaalada.

Mudane Maxamed Miiris Isaaq oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay xaafado qaar ka jireen howlo amni darro ah oo ay wadeen shaqsiyaad lala xiriirinayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, isagoo intaa ku daray inay gor dhaw ay gacanta ku soo dhigi doonaan.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

“Waxaa jirtay bambooyin lagu soo tuurayay xarumaha ciidanka iyo kuwa dowladda, ma jirto cid loo soo qabtay falalka amni darada ah, balse waxaa jira dad lagu raad joogo oo lagu tuhunsanyahay”ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka amniga.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan mudane Maxamed Miiris Isaaq ayaa xusay inay wadaan qorshe balaaran oo ay ku adkeynayaan guud ahaan Nabad gelyada magaalada iyo tan Gobolka.

“Mas’uuliyad gaar ah ayaa naga saaran inaan xaafad xaafad u ogonaano Nabadgelyada guud ee magaalada iyo deegaannada kale ee ku teedsan si looga hortago falalka  amni darrada ah”ayuu yiri Maxamed Miiris Isaaq.

Mudane Maxamed Miiris Isaaq ayaa ugu baaqay bulshada Degmada inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga, si looga hortago cidkasta oo carqaladeynayso Nabad gelyada.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay in si sharuud la’aan ah loo joojiyo colaadda ku soo laab laabatay qaar ka mid ah deegaannada gobolka Hiiraan, isagoo amaan u jeediyay ciidamada amniga oo kala dhex galay maleeshiyaadkii dagaalamayay, ayna socdaan dadaallo colaadda lagu xalinayo oo ay wadaan Maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.

.

Previous Post

Madaxweyne Qoor Qoor oo kisii wajahaya xerada tababarka ciidanka (Indha-Qaris)

Next Post

Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Gashaandhiga oo kormeeray Xarunta tababarka Turkisom+Sawirro

Next Post
Duqa Muqdisho  iyo Wasiirka Gashaandhiga oo kormeeray Xarunta tababarka Turkisom+Sawirro

Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Gashaandhiga oo kormeeray Xarunta tababarka Turkisom+Sawirro

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In