Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan oo ka warbixiyay howl gallo nabad gelyada lagu xoojinayo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan oo ka warbixiyay howl gallo nabad gelyada lagu xoojinayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidamada amniga ka wadaan xaafado ka mid ah magaalada Beladweyne oo la xiriirta sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyaan falal amni darro ah oo ka dhacay magaalada.

Mudane Maxamed Miiris Isaaq oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay xaafado qaar ka jireen howlo amni darro ah oo ay wadeen shaqsiyaad lala xiriirinayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, isagoo intaa ku daray inay gor dhaw ay gacanta ku soo dhigi doonaan.

Related posts

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

July 11, 2026

“Waxaa jirtay bambooyin lagu soo tuurayay xarumaha ciidanka iyo kuwa dowladda, ma jirto cid loo soo qabtay falalka amni darada ah, balse waxaa jira dad lagu raad joogo oo lagu tuhunsanyahay”ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka amniga.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan mudane Maxamed Miiris Isaaq ayaa xusay inay wadaan qorshe balaaran oo ay ku adkeynayaan guud ahaan Nabad gelyada magaalada iyo tan Gobolka.

“Mas’uuliyad gaar ah ayaa naga saaran inaan xaafad xaafad u ogonaano Nabadgelyada guud ee magaalada iyo deegaannada kale ee ku teedsan si looga hortago falalka  amni darrada ah”ayuu yiri Maxamed Miiris Isaaq.

Mudane Maxamed Miiris Isaaq ayaa ugu baaqay bulshada Degmada inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga, si looga hortago cidkasta oo carqaladeynayso Nabad gelyada.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay in si sharuud la’aan ah loo joojiyo colaadda ku soo laab laabatay qaar ka mid ah deegaannada gobolka Hiiraan, isagoo amaan u jeediyay ciidamada amniga oo kala dhex galay maleeshiyaadkii dagaalamayay, ayna socdaan dadaallo colaadda lagu xalinayo oo ay wadaan Maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.

.

Previous Post

Madaxweyne Qoor Qoor oo kisii wajahaya xerada tababarka ciidanka (Indha-Qaris)

Next Post

Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Gashaandhiga oo kormeeray Xarunta tababarka Turkisom+Sawirro

Next Post
Duqa Muqdisho  iyo Wasiirka Gashaandhiga oo kormeeray Xarunta tababarka Turkisom+Sawirro

Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Gashaandhiga oo kormeeray Xarunta tababarka Turkisom+Sawirro

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali(Dhaay), ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

July 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E.Abdisalam Ali, held a telephone conversation...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa soo xiray tababar laba toddobaad socday...

Ciidamada amaanka Beladweyne oo ka hortegay fal argagixisanimo

Ciidamada amaanka Beladweyne oo ka hortegay fal argagixisanimo

July 11, 2026
0

Ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa caawa ka hortegay fal argagixiso oo labo dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta ay qorsheynayeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In