Thursday, September 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Falcelinta bulshada ee wadahadallada DFS,Somaliland iyo casuumaadda D/goboleedyada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 15, 2020
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlada Jabuuti Marti gelinta shirka Dhab u heshiisiinta DFS iyo Somaliland “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa in muddo ah waxaa ay dadaal ugu jirtaa sidii dalka loogu soo dabaali lahaa xasilooni,hadii ay ahaan lahayd siyaasadda,dhaqaalaha,dib u heshiisiinta iyo howlaha la xiriira dhinaca nabadgeliyadda dalka,oo dowladdu waxbadan ay uga qabsoomeen muddadii ay jirtay.

Hadal haynta ugu badan ee 48 saacadood ee la soo dhaafay ayaa noqotay go’aanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee ku aadan arrimaha dowlad goboleedyada,gaar ahaan Jubbaland,wada hadalada DFS iyo Soomaaliland oo ay martigelisay dowladda Jabuuti ee aan walaalaha nahay.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

September 11, 2025
Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025

Siyaasiinta iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ayaa baraha bulshada ka muujinayay dareenkoodi ku aadan talaabada ay dowladda Soomaaliya qaadday,iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay guulo laga gaaro wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidoo kale arrinta dowlad goboleedyada dalka.

Siyaasiiin uu kamid yahaya Salaad Cali Jeele ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan wadahadallada DFS iyo Somalialand.

“Anagoo kasocono Axsaabta Siyaada dalka Waxaan Soo Dhawaynaynaa Shirka Dhab uheshiisiinta Eee Eey Marti Gelisay Dowlada Walalaha Nahay Jabuuti Iyo Madaxweynahooda Ismaaciil Cumar Gelle”. ayuu yiri Salaad Cali Jeele qoraal uu soo dhigay bartiisa facebooga.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Ceynta waa siyaasi oo horeyna xil uga soo qabtay dowladda Federaalka Soomaaliya,wuxuuna rajo ka muujiyay arrimahaasi.

“Maanta, madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo wuxuu qaaday laba tallaabo oo muhiim u ah xasilloonida siyaasadeed ee dalkeenna. Wuxuu gogol u fidiyey madaxda dowlad goboleedyada, si looga arrinsado amuuro ay doorashadu ugu muhiimsan tahay.

“Aad iyo aad ayaan u bogaadinayaa tallaabooyinka tanaasulku ku dheehan yahay ee uu madaxweynuhu qaaday,Haba soo raagaane, waxay horseedi karaan in la dhimo heer-kulka siyaasadda dalka oo waayadan dambe cirka ku shareernaa,Waxaanse ka jeclaa in tanaasulka madaxweynuhu uusan ku imaan canaan, cadaadis iyo ceebeyn uga timid danjire shisheeye, balse ay ku timaaddo garowshiiyo marxaladda adag ee uu dalku marayo”. ayuu yiri Cabriraxmaan Ceynta.

Inta badan kox u sheekeysiga dadweynaha goobahah la isugu yimaado iyo guud ahaan baraha bulshadu ay ku kulanto ayaa ah mid la xiriira natiijooyinka laga filayo arrimaha doorashooyinka dalka,wadahadallada DFS iyo Soomaaliland oo dadaalkeedi uu socdo.

Shirka dhab u heshiisiinta DFS iyo Somaliland ayaa u muuqda mid wax badan ka duwan kuwii hore,iyadoo wafuuda labada dhinaca ka kala socotay ay yihiin madaxdaa ugu sareysay ee DFS iyo Somaliland,iyo dadaalka taageero ee caalamka.

Marka dhinacyo badan laga eego waftiga culus ee ka baxay madaxtooyada Somaaliya. Dowladda federal ka waxay u muuqata in miisan culus siisay walalalaha Somaliland ee ah in si dhab ah looga wada hadlo qadiyada.

“Waxaa bogaadin mudan Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo oo garowsan miisaanka gobolada waqooyi iyo xushmada u haayo in uu waftiga madaxweynaha ay yihiin kuwa ugu  sareeyo dalka.

Muhiimad gaar ah ayee leyihiin walalaha Somaliland waayo 1960s, ayee ahaayen kuwii qaatay midnimo loo dhan yahay,In laga dhayo boogihii lana dhageysto tabashadooda waa qodob masiiiri ah  oo ay xaq u leyihiin islamarkana la xaliyo wixii”.sidaasina waxaa bartiisa bulshada soo dhigay Axmed Maxmed Caseyr oo kamid ah dadka Soomalaiyeed ee dhagaha u taagaya natiijada arrimahan.

Marxalado kaladuwan ayay soo mareen arrimaha wada hadallada DFS iyo Somaliland,Arrimaha sida weyn loo hadal hayo ayaa ah muhiimadda ay leedahay sidii loo heli lahaa dib u soo celinta midnimadii umadda Soomaaliyeed,waddo kasta haloo maree,taasi oo haatan dowladda Federaalka Soomaaliya ay xooga saareyso.

Previous Post

Madaxweynaha Fransiiska ayaa difaacay istiraatjijaddiisa fiditaanka ka hortagga cudurka Carona Fayruska

Next Post

Ciidanka Kenya oo toogtay dabley weerar ka geysatay Mandheera

Next Post
Ciidanka Kenya oo toogtay dabley weerar ka geysatay Mandheera

Ciidanka Kenya oo toogtay dabley weerar ka geysatay Mandheera

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

September 11, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Laascaanood, caasimadda dowlad...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee maamulka Israa’iil u gaystay dalka...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In