Wednesday, July 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabadda Daah Furka Go’aamadii Shirka dhab u Heshiisiinta DFS Iyo Somaliland “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 15, 2020
in Wararka
0
Munaasabadda Daah Furka Go’aamadii Shirka dhab u Heshiisiinta DFS Iyo Somaliland “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jabuuti, Juun 15, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda daah furka go’aamadii shirka dhab u heshiisiinta DFS iyo Somaliland ayaa u rajeeyey in shirkani uu guul, walaaltinimo iyo wax wada qabsi ku soo gaba-gaboobo.

“Shirkan inshallaah waxaan rajaynaynaa in uu noogu dhammaado guul oo aan uga farxinno shacabkeenna Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan ka hadlaynaa sidii loo walaaloobi lahaa, wax loo wada qabsan lahaa, si dhab ah loo wada hadli lahaa, soddon sano waan wada joognay, soddon sano waan kala maqnayn, soddonka sano ee soo socda caruurteenna maxaan uga tagnaa oo dhaxal?”

Related posts

Safiirka aan joogtada ahayn ee dalka Comoros oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha dalkaas

Safiirka aan joogtada ahayn ee dalka Comoros oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha dalkaas

July 9, 2025
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo magaalada Laascaanood kulan kula yeeshay Guddiga Farasamada Ee Dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo magaalada Laascaanood kulan kula yeeshay Guddiga Farasamada Ee Dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo

July 9, 2025

Guddiga farsamada labada dhinac oo maanta uu bilaabmay fadhigoodii ugu horeeyey, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dardaaran dhaxal gal ah u soo jeediyey isaga oo caddeeyey in guddigu ay haystaan kalsooni buuxda oo ay kaga talo bixiyaan masiirka umadda Soomaaliyeed.

“Annagu waan idin siinnay kalsoonidayada dadkii ugu aqoonta badnaa ayaad tihiin Soomaalida, waxaa loo baahanyahay in aad ka fakartaan mustaqbalkeenna soddonka sano ee soo socda, waxaan idiin rajaynaynaa guul, waxaan idiin rajaynaynaa is afgarad walaaltinimo ku dheehan”

Madaxweynaha ayaa muujiyey ifafaalaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku qabaan gogosha ay fidiyeen walaalaheenna dalka Jabuuti shacab iyo dowladba, maadaama ay baal dahab ah kaga jiraan dowlad dhiska dalkeenna iyo garab istaagga shacabkeenna Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Raiisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo heer Qaran ah ayaa la wadaagay Madaxdii kulanka ka soo qeyb gashay iyo beesha caalamka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in wadahadal maan furan oo miro dhal ah lagu xalliyo tabashada walaalaha Somaliland.

Previous Post

Guddiga qaban qaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeer ku tagay Garoonka Ciyaaraha Muqdisho “Sawirro”.

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle oo codsatay helidda sheybaar casri ah oo lagu baarayo dadka looga shakiyo COVID-19

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle oo codsatay helidda sheybaar casri ah oo lagu baarayo dadka looga shakiyo COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle oo codsatay helidda sheybaar casri ah oo lagu baarayo dadka looga shakiyo COVID-19

Safiirka aan joogtada ahayn ee dalka Comoros oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha dalkaas

Safiirka aan joogtada ahayn ee dalka Comoros oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha dalkaas

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(COMOROS), Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaas oo sidoo...

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo magaalada Laascaanood kulan kula yeeshay Guddiga Farasamada Ee Dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo magaalada Laascaanood kulan kula yeeshay Guddiga Farasamada Ee Dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(LAASCAANOOD), Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta magaalada Laascaanood kulan kula...

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo War-Saxaafadeed ka soo saartay qarax maanta ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo War-Saxaafadeed ka soo saartay qarax maanta ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(MUQDISHO),Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay qarax uu fuliyay dhagar-qabe naftii hallige ah, kaasi oo...

Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(MUQDISHO), Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In