Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabadda Daah Furka Go’aamadii Shirka dhab u Heshiisiinta DFS Iyo Somaliland “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Munaasabadda Daah Furka Go’aamadii Shirka dhab u Heshiisiinta DFS Iyo Somaliland “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jabuuti, Juun 15, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda daah furka go’aamadii shirka dhab u heshiisiinta DFS iyo Somaliland ayaa u rajeeyey in shirkani uu guul, walaaltinimo iyo wax wada qabsi ku soo gaba-gaboobo.

“Shirkan inshallaah waxaan rajaynaynaa in uu noogu dhammaado guul oo aan uga farxinno shacabkeenna Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan ka hadlaynaa sidii loo walaaloobi lahaa, wax loo wada qabsan lahaa, si dhab ah loo wada hadli lahaa, soddon sano waan wada joognay, soddon sano waan kala maqnayn, soddonka sano ee soo socda caruurteenna maxaan uga tagnaa oo dhaxal?”

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Guddiga farsamada labada dhinac oo maanta uu bilaabmay fadhigoodii ugu horeeyey, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dardaaran dhaxal gal ah u soo jeediyey isaga oo caddeeyey in guddigu ay haystaan kalsooni buuxda oo ay kaga talo bixiyaan masiirka umadda Soomaaliyeed.

“Annagu waan idin siinnay kalsoonidayada dadkii ugu aqoonta badnaa ayaad tihiin Soomaalida, waxaa loo baahanyahay in aad ka fakartaan mustaqbalkeenna soddonka sano ee soo socda, waxaan idiin rajaynaynaa guul, waxaan idiin rajaynaynaa is afgarad walaaltinimo ku dheehan”

Madaxweynaha ayaa muujiyey ifafaalaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku qabaan gogosha ay fidiyeen walaalaheenna dalka Jabuuti shacab iyo dowladba, maadaama ay baal dahab ah kaga jiraan dowlad dhiska dalkeenna iyo garab istaagga shacabkeenna Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Raiisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo heer Qaran ah ayaa la wadaagay Madaxdii kulanka ka soo qeyb gashay iyo beesha caalamka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in wadahadal maan furan oo miro dhal ah lagu xalliyo tabashada walaalaha Somaliland.

Previous Post

Guddiga qaban qaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeer ku tagay Garoonka Ciyaaraha Muqdisho “Sawirro”.

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle oo codsatay helidda sheybaar casri ah oo lagu baarayo dadka looga shakiyo COVID-19

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle oo codsatay helidda sheybaar casri ah oo lagu baarayo dadka looga shakiyo COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle oo codsatay helidda sheybaar casri ah oo lagu baarayo dadka looga shakiyo COVID-19

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In