Tuesday, October 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Somaliland oo heshiis ku gaaray Jabuuti +Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
June 18, 2020
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Somaliland oo heshiis ku gaaray Jabuuti +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirarkii maalmihii la soo dhaafay Jabuti ugu socday guddiyada farsamo ee Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa la soo gabagebeeyay isla markaana laga soo saaray heshiis.

Qodobada lagu heshiiyey ayaa warbaahinta u akhriyey wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana ay kala yihiin:-

Related posts

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

October 7, 2025
Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025

1 – Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka, si qurux badan oo hadaf xanbaarsan

2 – Sidii dib loogu dhisi lahaa kalsoonidii labada dhinac.

3 – Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani’aadannimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiri doona muddo shan iyo toban cisho (15) kadib ah, kuna shiri doona Jabuuti.

4 – Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho gudahood ah ku shiri doona Jabuuti.

5 – Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada.

Waxaa sidoo kale la magacaabay guddiga guud ee farsamado ee wada-hadallada oo heer wasiiro ah, waxaynaa 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan Jabuuti si u qiimeeyaan wax qabadka guddi hoosaadyada.

Dowladda federaalka waxaa heshiiska u saxiixay wasiirka arrimaha gudahga Cabdi Maxamed Sabriye, halka Somaliland uu u saxiixay Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ugu magacaaban wasiirka arrimaha dibedda.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka oo agab caafimaad ka guddoontay dowladda Ethiopia “Dhageyso+sawiro”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho 17-06-2020

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho 17-06-2020

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

October 7, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulamo gaar...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Soomaali, ayaa si rasmi ah u daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca...

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo dhageystay warbixinta Mashruuca Nagaad

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo dhageystay warbixinta Mashruuca Nagaad

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur , ayaa maanta shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In