Dalka Baraasiil wuxuu noqday dalka labaad ee ay dadkiisa u geeriyodeen xanuunka faafa ee corona virus, iyada oo la soo sheegaya in COVID 19 gudaha Baraasiil ay ugu dhinteen dad gaaraya 50,000, tiradaasi oo ka sareeysa dhimashadii Corona Virus uu ka geeystay Boqortooyada Ingiriiska.
Guud ahaan Cudurka ayaa lagu waramayaa in gudaha dalkaasi kula dhacay 1 Milyan oo qof oo ku kala sugan dhammaan gobolada dalkasi.
Dalka Mareykanka oo kaliyah ayaa ka horreeya dhimashada dunida dalka Baraasiil sidda ay xaqiijisay Hay’adda Caafimaadka ee Adduunka.
Bahada Caafimaadka Baraasiil ayaa waxay dhawr jeer shegeen in cudurka uu si ba’an ugu faafay gudaha dalka ka dib markii dowladda ay diiday in xayiraad lasoo roggo isu socodka dadka.