Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku bogaadiyey Madaxweyne Farmaajo Shirkii Dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Baarlamaanka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku bogaadiyey Madaxweyne Farmaajo Shirkii Dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Dr. Yuusuf Al-Cuseymiin ayaa boogaadiyay Shirkii Dhab u heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, isaga oo sheegay in ay horseeday heshiis dhexmaray labada dhinac oo suurtagaliyey in la sameeyo guddi farsamo oo isku dhaf ah kuwaas oo sii amba qaada wadahadalada isla markaasna dabagal ku sameeya qodobbada muhiimka ah ee wali harsan.

Dr. Alcuseymiin ayaa soo dhaweeyay sida ay uga go’an tahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in la xalliyo arrinta Somaliland, waxa uuna sheegay in ay qeyb muhiim ah ka qaadanayso kor u qaadista nabadda iyo horumarka Gobolka.

Related posts

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

March 5, 2026
Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

March 5, 2026

Sidoo kale, waxa uu uga mahad celiyey Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle martigalinta wadahadalladan, isaga oo muujiyey sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalalka Carabta Dr. Mishcal Al-suleymi ayaa ku dhiirri geliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya in ay sii amba qaadaan wadahadallada dhab u heshiisiinta oo horseedaya horumarka iyo dib u kabashada Soomaaliya.

Dr.Mishcal ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay dalalka Jaamacadda Carabta in ay gacan ka geystaan xasillonida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Qorrax Madoobaad ka dhacay qeybo ka mid ah Gobollada Dalka.

Next Post
Qorrax Madoobaad ka dhacay qeybo ka mid ah Gobollada Dalka.

Qorrax Madoobaad ka dhacay qeybo ka mid ah Gobollada Dalka.

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

March 5, 2026
0

Muqdisho, 05 Maarso 2026 – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

March 5, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

March 5, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhoweysay ansixinta ay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku meel mariyeen...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

March 5, 2026
0

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In