Thursday, September 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada amniga oo howlgal ka wada degmada Hobyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 21, 2020
in Wararka
0
Ciidamada amniga oo howlgal ka wada degmada Hobyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Amniga ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug oo uu maalmahanba ku sugnaa Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “ Qoor Qoor” iyo mas’uuliyiin kale.

Ciidamadan oo isugu jira xoogga Dalka Qaybta 21-aad , kuwa Booliiska gaarka ah ee Haramcad oo ay wehliyaan ciidanka Booliiska Hobyo ayaa wada jir u fuliyay howlgalkan oo lagu baarayo Gaadiidka Dadwaynaha, Guriyaha laga shakiyo iyo goobo bartilmaameed u ah howlgalkan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025

Saraakiisha Amniga ayaa sheegay in ay jiraan tuhuno amni oo muujinaya Qorshayaal maleeshiyada Al-Shabaab ku doonayaan fulinta weeraro qaraxyo ah oo ay ka fuliyaan Galmudug .

Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Qaybta 21-aad ay aroornimadii saakay fashiliyeen weeraro ismiidaamin ah oo lagu qaadey xerada Bacaadweyne oo ka tirsan Degmada Hobyo, sidoo kalena ciidamadu Howlgal qorsheysan oo Gaalkacyo ka dhacey waxay ku qabteen Gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay iyo shaqsigii wadaha ka ahaa.

Maleeshiyada argagaxisada Al-Shabaab ayaa caadeystay iney si micno daro ah ku daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed, waxayna ciidanka xoogga dalka markasta u taagan yihiin difaacadda Dhiiga iyo hantida muwaadinka Soomaaliyeed.

Previous Post

Madaxwaynaha Puntland oo tababar u soo xiray Cutubyo Ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland “SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meel mariyay xeerka qoondada Haweenka

Next Post
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meel mariyay xeerka qoondada Haweenka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meel mariyay xeerka qoondada Haweenka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan casho-sharaf ah kula yeeshay Agaasimaha...

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

September 10, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo miro dhal ah kula yeeshay magaalada Addis-ababa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In