Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Howlaha Guud ee Koonfur Galbeed oo sheegay inay socdaan mashaariicyo dib u dhis loogu sameynayo waddooyinka deegaannada Maamulkaas “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Howlaha Guud ee Koonfur Galbeed oo sheegay inay socdaan mashaariicyo dib u dhis loogu sameynayo waddooyinka deegaannada Maamulkaas “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Axmed Nuur Sheekh Maxamed (Mashruuc) ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan dib u dhiska waddooyin ku yaala magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay oo xarun KMG u ah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Howlaha Guud ee Koonfur Galbeed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in horaanta bisha soo socoto la qorsheynayo in la dar dargeliyo dhismaha waddooyinka magaalada Baydhabo oo uu ku tilmaamay inay mihiim uย  yihiin isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, ayna gaarsiin doonaan ilaa iyo 20km.

Related posts

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

โ€œWaxaa noo qorsheysan fulinta waddooyin dib u dhis lagu sameynayo oo ku yaala magaalada Baydhabo, waxaana bar bar socda mashaariic kale oo arrimaha waddooyinka lagu horumarinayo, tani waxa ay ka timid fikirka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeedโ€ ayuu yiri mudane Axmed Mashruuc.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Axmed Nuur Sheekh Maxamed ayaa xusay in Wasaaraddu ay howlo mashaariic ah ka fulisay Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Bakool, kuwaasi oo qeyb ka ah howlaha Wasaaradda loo igmaday.

โ€œShabeelaha Hoose mashaariic horumar leh oo muhiim ah ayaa ka socda, oo ay ka midyihiin xarumo caafimaad, goobo waxbarasho, dhismaha waddooyinka oo haatan aan ka wadno degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, dhanka kale Gobolka Bakool qaar ka mid ah degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur waxaan ka hirgelinay mashaariic kuwan la mid ahโ€ ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud ee Koonfur Galbeed.

Mudane Axmed Nuur Sheekh Maxamed (Mashruuc) ayaa hoos ka xariiqay in Wasaaradda ay ka howlgalaan injineero qibrad u leh howlaha Wasaaradda u igmantahay, isagoo ka digay in shaqada Wasaaradda ee ah howlaha guud iyo Guryeynta ay qabtaan hayโ€™ado kale.

โ€œWasaaradda Howlaha Guud waxa ay ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso Injineero taqasus ku leh howlaha ay Wasaaraddu qabato, si ay gacan uga geystaan dib u dhiska goobaha muhiimka u ah dowlad goboleeda Koonfur Galbeed, ayna ula xisaabtamaan shirkadaha howsha gacan ka siinaya Wasaardda, waxaana ka digayaa in cid aan Wasaaradda ahayn qabato howlo dib u dhis ahโ€ ayuu yiri Wasiir Axmed Mashruuc.

Previous Post

Ciidanka Booliska oo bur buriyay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Baladxaawo

Next Post

Raโ€™iisul Wasaare Kheyre oo warbixin ka dhageystay guddiga qaban qaabada xuska sanad guurada 60aad ee todobaadka xoriyadda โ€œSAWIRROโ€

Next Post
Raโ€™iisul Wasaare Kheyre oo warbixin ka dhageystay guddiga qaban qaabada xuska sanad guurada 60aad ee todobaadka xoriyadda โ€œSAWIRROโ€

Raโ€™iisul Wasaare Kheyre oo warbixin ka dhageystay guddiga qaban qaabada xuska sanad guurada 60aad ee todobaadka xoriyadda โ€œSAWIRROโ€

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

October 13, 2025
0

Hayโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In