Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Howlaha Guud ee Koonfur Galbeed oo sheegay inay socdaan mashaariicyo dib u dhis loogu sameynayo waddooyinka deegaannada Maamulkaas “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Howlaha Guud ee Koonfur Galbeed oo sheegay inay socdaan mashaariicyo dib u dhis loogu sameynayo waddooyinka deegaannada Maamulkaas “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Axmed Nuur Sheekh Maxamed (Mashruuc) ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan dib u dhiska waddooyin ku yaala magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay oo xarun KMG u ah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Howlaha Guud ee Koonfur Galbeed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in horaanta bisha soo socoto la qorsheynayo in la dar dargeliyo dhismaha waddooyinka magaalada Baydhabo oo uu ku tilmaamay inay mihiim u  yihiin isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, ayna gaarsiin doonaan ilaa iyo 20km.

Related posts

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026

“Waxaa noo qorsheysan fulinta waddooyin dib u dhis lagu sameynayo oo ku yaala magaalada Baydhabo, waxaana bar bar socda mashaariic kale oo arrimaha waddooyinka lagu horumarinayo, tani waxa ay ka timid fikirka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed” ayuu yiri mudane Axmed Mashruuc.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Axmed Nuur Sheekh Maxamed ayaa xusay in Wasaaraddu ay howlo mashaariic ah ka fulisay Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Bakool, kuwaasi oo qeyb ka ah howlaha Wasaaradda loo igmaday.

“Shabeelaha Hoose mashaariic horumar leh oo muhiim ah ayaa ka socda, oo ay ka midyihiin xarumo caafimaad, goobo waxbarasho, dhismaha waddooyinka oo haatan aan ka wadno degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, dhanka kale Gobolka Bakool qaar ka mid ah degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur waxaan ka hirgelinay mashaariic kuwan la mid ah” ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud ee Koonfur Galbeed.

Mudane Axmed Nuur Sheekh Maxamed (Mashruuc) ayaa hoos ka xariiqay in Wasaaradda ay ka howlgalaan injineero qibrad u leh howlaha Wasaaradda u igmantahay, isagoo ka digay in shaqada Wasaaradda ee ah howlaha guud iyo Guryeynta ay qabtaan hay’ado kale.

“Wasaaradda Howlaha Guud waxa ay ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso Injineero taqasus ku leh howlaha ay Wasaaraddu qabato, si ay gacan uga geystaan dib u dhiska goobaha muhiimka u ah dowlad goboleeda Koonfur Galbeed, ayna ula xisaabtamaan shirkadaha howsha gacan ka siinaya Wasaardda, waxaana ka digayaa in cid aan Wasaaradda ahayn qabato howlo dib u dhis ah” ayuu yiri Wasiir Axmed Mashruuc.

Previous Post

Ciidanka Booliska oo bur buriyay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Baladxaawo

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo warbixin ka dhageystay guddiga qaban qaabada xuska sanad guurada 60aad ee todobaadka xoriyadda “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo warbixin ka dhageystay guddiga qaban qaabada xuska sanad guurada 60aad ee todobaadka xoriyadda “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo warbixin ka dhageystay guddiga qaban qaabada xuska sanad guurada 60aad ee todobaadka xoriyadda “SAWIRRO”

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In