Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’addaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo beesha caalamka oo ka shiray arrimaha Dastuurka+sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Hay’addaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo beesha caalamka oo ka shiray arrimaha Dastuurka+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adaha u xilsaaran dib-ueegista dastuurka oo kala ah Wasaarada Arrimaha Dastuurka, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa shir ku qabsoomay alladda la iska-arko ee Internetka la yeeshay qaar kamid ah Danjirayaasha dalalka iyo hay’adaha caalamiga u fadhiya Soomaaliya oo kala ah UN, Norway, Sweden, Denmark, UK, Switzerland, EU, Germany, Italy, iyo US.

Shirka intii uu socday ayaa lagu gorfeeyay caqabadaha soo food-saray iyo horumarka laga gaaray howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo sii wadidda hayaanka loogu jiro dhameeystirka dastuurka.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Ugu horeeyn, kulanka waxaa warbixin ka jeediyay Wasiirka Ariimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlay howlaha qabsoomay mudooyinkii dambe isagoona yiri “Waxaa noo suurtagashay in aanu qabanno howlo muhiim ah oo ina horyaallay kuwaasi oo masiiri ah qaar kalena inoo harsanyihiin, inaga oo og muhiimadda uu leeyahay dib-u-eegista dastuurka waxaa kulamo-shaqo oo wadaxaajood ah la yeelanay Wasaaradaha DFS iyo qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada inagoo kala arinsanay daadajinta awoodaha, xal-ka-gaarista arrimaha u baahan wadaxaajood-siyaasadeed iyo dar-dargelinta arrimaha wacyigelinta dadweynaha iyo uruurinta ra’yiga shacabka Soomaaliyeed ee ku saabsan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay”.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan iyo danjirayaashii kale ee shirka ka qeybgalay ayaa bogaadiyay howlaha u qabsoomay iyo wadashaqeeynta ka dhaxeeysa hay’adaha u idman dib-u-eegista dastuurka xiligan adag ee khatarta Caabuqa COVID19 uu jiro, sidoo kale waxa ay soo dhaweeyeen guulaha laga gaaray arrimaha farsamada ee dastuurka iyo arrimaha xalka siyaasadeed u baahan oo wax laga qabtay howlaha ka dhimanna ay qorsheysanyihiin in muddo dhow la soo dhameystiro.

Dhanka kale, waxa ay beesha caalamka ku booriyeen DFS iyo D/Goboleedyada inay kawada hadlaan arrimaha siyaasadeed ee heshiiska u baahan si loo dhameeystiro dastuurka muddo xileedkan hada lagu jiro.

Gebogabadii, Wasiir Saalax Jaamac ayaa uga mahadceliyay Beesha Caalamka garab istaaga ay had iyo jeer u muujiyaan Wasaaradda iyo labada Guddi, sidoo kalena waxay Beesha Caalamka markale xaqiijiyeen joogteynta taageeradooda ay siiyaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka si looga dhabeeyo rabitaanka shacabka ee ah dhameeystirka dastuurka.

Tags: Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo beesha caalamka oo ka shiray arrimaha Dastuurka+sawirro
Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Bankiga Aduunka oo ansixiyay 55 milyan oo lagu kabayo misaaniyadda DFS

Next Post
Bankiga Aduunka oo ansixiyay 55 milyan oo lagu kabayo misaaniyadda DFS

Bankiga Aduunka oo ansixiyay 55 milyan oo lagu kabayo misaaniyadda DFS

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In