Shir ay isugu yimaadeen Bulshada degmada Badhan ee Gobolka Sanaag iyo waxgaradka deegaankaasi hormuud u ahaa ayaa lagu dhoweeyey Midaynta Jaamacadda Ummadda iyo Maakhir, kaddib markii dowladdu Soomaaliya ay Maakhir u aqoonsatay faraca Puntland ee Jaamacada Ummadda, waxaana kulanka goob joog ka ahaa Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Madax ka socotay Wasaarada Waxbarashada Puntland, Wakiilo ka kala socotay Jaamacadaha Ummadda iyo Maakhir,
Intii uu shirku socday waxaa la bogaadiyey horumarada ay ku talaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka midyihiin mashaariic ay dowladu ka wado gobolka Sanaag, taasi oo ay ka midtahay ka qayb qaadashada laamiga isku xiraya Ceel-Daahir ilaa Ceerigaabo, ee Waqooyi ilaa Bari, wadada laamiga ah ee Sheerbi iyo Dhahar, Cusbitaal gawaarida gurmadka deg deg ah iyo Suuq laga dhisayo Badhan,
Waxgaradkii Madasha ka hadalay ayaa ayaa u mahadceliyey Danjire Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo deegaan doorashadiisu ay tahay Gobolka Sanaag, kaasi oo fududeeyey mashaariicda ka socota Gobolkaasi
Dadka deegaanka Xildhibaanada kale ee ku metela kuraasta Gobolka ayey ugu baaqeen iney deegaannada dib u soo fiiriyaan oo ay noqdaan kuwo ficil u bedela metalaadda shacabka dhowraya waxqabadkooda, waxay tilmaameen iney jiraan baahiyo aas aasi ah oo ladoonayo iney dabooshu Dowladdu xubnaha metelaana ay xogtooda qaadaan,