Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Akhrinta Koowaad Marsiiyay Ku Noqoshada Miisaaniyadda Dowladda Ee 2020

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo akhrinta 1-aad marsiiyay Hindisaha dib u eegista iyo kaabista sharciga xisbiyada siyaasadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Guud ee Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu shir Guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, waxa ay Xildhibaannada Akhrinta koowaad marsiiyeen ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee 2020-ka, waxaana golaha ka hor akhriyay Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda weydiiyay dhowr su’aalood oo ku saabsan ku noqoshada miisaaniyadda ee sanadlkan.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof Cabdullaahi Sheekh Cali ‘’Qoloocow’’ ayaa mudanayaasha uga jawaabayay su’aalaha Xildhibaannadu weydiiyeen ee la xiriirta miisaaniyadda sanadka 2020..

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa u jeediyay madaxda Wasaaradda Maaliyadda in ay bixiyaan lacago ka maqan Xildhibaannada Baarlamaankii Sagaalaad.

Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Akhrinta 1-aad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka, waxaana Golaha u faah faahiyay Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ‘’Ducaale’’.

Sidoo kale Qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha ayaa Wasiirka Amniga iyo Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ka jawaabay dhowr su’aalood oo ay xildhibaannada weydiiyeen.

Ugu dambeyn Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Isbar bardhiga nuqulka Golaha Shacabka iyo nuqulka Golaha Aqalka sare ee Hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.

 

 

Previous Post

Maamulka Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool Oo Dhul Deegaan Ah Siiyey Dad Reer Guuraa Ah “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Guriceel “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Guriceel “SAWIRRO”

Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Guriceel “SAWIRRO”

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In