Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW ku xigeenka Dalka oo daah-furay mashruuc dib ucasriyeynta Qalabka Maamulka Hawada Soomaaliya+sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
RW ku xigeenka Dalka oo daah-furay mashruuc dib ucasriyeynta Qalabka Maamulka Hawada Soomaaliya+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka ahna ku simaha Ra’isulwasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta oo axad ah daah-furay mashruuc dib u casriyeynta qalabka maamulka hawada Soomaaliya ka dib munaasabad ka dhacday xarunta maamulka hawada dalka.

Munaasabadaan waxaa ka qeyb-galay wasiiro iyo xilidhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya , ururadda diyaaradaha iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Related posts

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026

Sidoo kale waxaa maanta dib loo furay duulimaadyadii gudaha dalka oo 29 bishii sedexaad ee sanadkaan loo hakiyay ka hortaga faafitaan cudurka safmarka ah covid-19.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in kaliyaha 5 duulimaadyo maanta lagu bilaabay si tigaabo ah.

“Maanta waxaa baxday shan diyaaradood oo kala aaday magaalooyinka dowlad goboleedyada dalka waana tijaabo si aan uga taxadirno Qatar cudurka halista ee covid-19, ayu yiri maareeye Axmed Macalin Xasan.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi salaad (Oomaar) ayaa sheegay in dhawaan ay soo dhameystirayaan sharuucdii lagu diwaan galin lahaa diyaaradaha iyo ruqsadaha bayloodyada dalka.

“Waxaan bilaha soo socdo rajeyneynaa inaan soo dhameystirka xeer hoosaadyada sharciga Hay’adda hadane meel fiican ayay noo marayaan,marka aan dhameyno waxaa noo suura galeyso inaan anaga diyaaradaha diwaan gelino leesine aan bixino”wasiir Oomaar

Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed guuleed ayaa sheegay in dowladda ay ahmiyad siineyso dhismaha hay’addaha dalka isla markaana loo baahanyahay in wadajir looga shaqeeyo.

“Mudadii sedexda sano ee aan joogno waxey xukumadda  ka shaqeysay in ka badan kon ton sharuuc oo dhammaan lagu xoojinayo hay’addaha kala duwan ee dalka taasi oo ka turjumeysa sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go’antahay dhismaha kaawayaasha dhaqaalaha dalka. Ayuu yiri Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed qadar.

Golaha wasiirkadda xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa shirkii golaha ee khamiislaha ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku ansixyay dib ufirista duulimaadyada gudaha maadaam ay hoos udhacay saameyntii cudurka covid19 ee gudaha dalka.

Tags: RW ku xigeenka Dalka oo daah-furay mashruuc dib ucasriyeynta Qalabka Maamulka Hawada Soomaaliya+sawirro
Previous Post

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa bilowday dhageysiga dacwada Askari dil u geystay qof shacab ah.

Next Post

RW ku-xigeenka Dalka oo Xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka+Sawirro

Next Post
RW ku-xigeenka Dalka oo Xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka+Sawirro

RW ku-xigeenka Dalka oo Xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka+Sawirro

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

August 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Difaaca Mudane Sheekh...

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

August 31, 2026
0

Muqdisho, 31 Agoosto 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In