Thursday, December 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW ku xigeenka Dalka oo daah-furay mashruuc dib ucasriyeynta Qalabka Maamulka Hawada Soomaaliya+sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
RW ku xigeenka Dalka oo daah-furay mashruuc dib ucasriyeynta Qalabka Maamulka Hawada Soomaaliya+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka ahna ku simaha Ra’isulwasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta oo axad ah daah-furay mashruuc dib u casriyeynta qalabka maamulka hawada Soomaaliya ka dib munaasabad ka dhacday xarunta maamulka hawada dalka.

Munaasabadaan waxaa ka qeyb-galay wasiiro iyo xilidhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya , ururadda diyaaradaha iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Related posts

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

December 18, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

December 18, 2025

Sidoo kale waxaa maanta dib loo furay duulimaadyadii gudaha dalka oo 29 bishii sedexaad ee sanadkaan loo hakiyay ka hortaga faafitaan cudurka safmarka ah covid-19.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in kaliyaha 5 duulimaadyo maanta lagu bilaabay si tigaabo ah.

“Maanta waxaa baxday shan diyaaradood oo kala aaday magaalooyinka dowlad goboleedyada dalka waana tijaabo si aan uga taxadirno Qatar cudurka halista ee covid-19, ayu yiri maareeye Axmed Macalin Xasan.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi salaad (Oomaar) ayaa sheegay in dhawaan ay soo dhameystirayaan sharuucdii lagu diwaan galin lahaa diyaaradaha iyo ruqsadaha bayloodyada dalka.

“Waxaan bilaha soo socdo rajeyneynaa inaan soo dhameystirka xeer hoosaadyada sharciga Hay’adda hadane meel fiican ayay noo marayaan,marka aan dhameyno waxaa noo suura galeyso inaan anaga diyaaradaha diwaan gelino leesine aan bixino”wasiir Oomaar

Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed guuleed ayaa sheegay in dowladda ay ahmiyad siineyso dhismaha hay’addaha dalka isla markaana loo baahanyahay in wadajir looga shaqeeyo.

“Mudadii sedexda sano ee aan joogno waxey xukumadda  ka shaqeysay in ka badan kon ton sharuuc oo dhammaan lagu xoojinayo hay’addaha kala duwan ee dalka taasi oo ka turjumeysa sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go’antahay dhismaha kaawayaasha dhaqaalaha dalka. Ayuu yiri Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed qadar.

Golaha wasiirkadda xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa shirkii golaha ee khamiislaha ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku ansixyay dib ufirista duulimaadyada gudaha maadaam ay hoos udhacay saameyntii cudurka covid19 ee gudaha dalka.

 

Tags: RW ku xigeenka Dalka oo daah-furay mashruuc dib ucasriyeynta Qalabka Maamulka Hawada Soomaaliya+sawirro
Previous Post

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa bilowday dhageysiga dacwada Askari dil u geystay qof shacab ah.

Next Post

RW ku-xigeenka Dalka oo Xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka+Sawirro

Next Post
RW ku-xigeenka Dalka oo Xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka+Sawirro

RW ku-xigeenka Dalka oo Xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka+Sawirro

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

December 18, 2025
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay Warbixinta Waxqabadka Sannadka 2025, iyadoo...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

December 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa kulan miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In