Friday, April 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW ku-xigeenka Dalka oo Xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
RW ku-xigeenka Dalka oo Xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta xariga ka jaray xarumo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo dib u dayactir balaaran lagu sameeyay.

Dhismahan cusub ee Wasaaradda Qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa waxaa hirgeliyay Dowladda Qatar.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

April 24, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

April 23, 2026

Sidoo kale, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa xarigga ka jaray xarunta qaran ee ka digista halis wadareedka.

Ra’isal Wasaare ku-xigeenka JFS ayaa sheegay in talaabada lagu howlgaliyay nidaamka bixiya digniinta halis-wadareedka ay tahay guul u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay in hirgalinta xaruntan ay wax weyn ka tareyso yareynta saameynta musiibooyinka ku yeeshaan goballada iyo degmooyinka dalka.

“In aan manta yeelanno xarun sii odorosta saadaalna ka bixisa halisyada soo fool leh waxey ku tusineysaa soo kabashada qaranka, manta halkii aan xogta cimiladeenna ka sugi lahayn meelo kale waxaay Dowladda Soomaaliyeed awoodeysaa in ay xoojiso u diyaar garoowgeeda halisyada yimaadda taasoo yareyneyso saameynta taban ee musiibooyinka ku yeeshaan bulshooyinkeenna” ayuu yir Md Mahdi Maxmed Guuleed, Ra’isal Wasaare kuxigeenka JMFS.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa dadaal xooggan ku bixisay sidii loo hirgalin lahaa xaruntan si loo yareeyo musiibooyinka soo noq noqda ee dalka ka dhaca sida fatahaadaha abaaraha iyo dabeylaha.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Md Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya diyaarisay hab-dhismeedka xarunta, shaqaalaha ka howl-gali lahaa iyo khubaro tababarro joogta ah siiya shaqaalaha xarunta.

Md Xamsa Saciid Xamsa waxa uu sheegay in xogta la xiriirta dhammaan halis-wadareedka oo ay horay u bixin jireen hey’ado iyo ururro aan dowli ahayn ay hadda wixi ka dambeeya laga heli doono xarunta qaran ee ka digista halis wadareedka.

“Diyaarinta iyo hirgalinta xarunta kaliya kuma saabsana adeeg cusub oo la helay, hase yeeshee waxey tallaabo loo qaaday xoojinta madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliy. Annaga oo adeegsaneyna xurntaan, waxaan awood u yeelan doonnaa in innaga gacanta ku heyno xogto cimilada iyo macluumaadka la xiriiro ee dalka.” Ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in Sameynta xaruntan ay ka mid tahay guulaha sii xoojinaya madax bannaanida Soomaaliya si la mid ah soo celinta maamulka hawada Soomaaliya oo muddo dheer ka dib ku soo noqotay gacanta Dowladda Soomaaliya.

Xarunta maanta la daahfuray ayaa ka shaqeyn doonta sadaasha iyo la socodka halis wadareedka oo ay horay u bixin jireen hey’ado raacsan Qaramada Midoobay.

Tags: RW ku-xigeenka Dalka oo Xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Wasaaradda Qorsheynta qaranka+Sawirro
Previous Post

RW ku xigeenka Dalka oo daah-furay mashruuc dib ucasriyeynta Qalabka Maamulka Hawada Soomaaliya+sawirro

Next Post

Soomaaliya oo Shixnad kaalmo Agab Caafimaad ah ka heshay Midowga Yurub+Sawirro

Next Post
Soomaaliya oo Shixnad kaalmo Agab Caafimaad ah ka heshay Midowga Yurub+Sawirro

Soomaaliya oo Shixnad kaalmo Agab Caafimaad ah ka heshay Midowga Yurub+Sawirro

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

April 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqasho ku tagay degmada Xudur ee Gobolka Bakool, Wafdiga ayaa waxaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

April 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Mashruuca xoojinta adkeysiga...

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

April 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel...

Xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhanka Aqoonta iyo Cilmi-baarista

Xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhanka Aqoonta iyo Cilmi-baarista

April 23, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha ayaa Arbacadii si rasmi ah u daah furay Xarunta Cilmi baarista iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In