Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray digniin ka dhan ah been abuur ku saabsan Imtixaanaadka sanad Dugsiyeedka 2019-2020, kaas dalka ka bilaabandoona 18-July-2020.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sarre, waxaa sanadkaan Imtixaanaadka sanad dugsiyeedka 2019/2020 u fadhiisandoona in ka badan 70,000 oo arday Soomaaliyeed ah si xariir ah sanadkii 6-aad, iyadoo sanadkaan lagu soo kordhiyay fasalka 8-aad (Standard8) kaasi oo soo bilowday 11/July/2020 & Dugsi sare oo sabtida soo socoto bilaaban doono 18-July-2020.
Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa sheegay inay diyaariyeen 2,000 oo xubnood oo isugu jira Saraakiil iyo Askar sugta Amniga goobaha imtixaanada, Ilaalinta geedi socodka imtixaanada iyo daabulaada imtixaanka.
“Hadaba, iyadoo aad looga taxadaray Badqabka imtixaanaadka sanadkaan, ayaa waxaa jiri kara been abuur iyo Qalqal lagu abuurayo waalidiinta iyo Ardayda Soomaaliyeed. sidaas daraadeed, waxaan Digniin adag gaarsiinaynaa qof walba oo isku daya in uu abuuro qalqal Imtixaan, iyadoo Hadaba aan qaarkood gacanta ku hayno” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Booliska.
Fadlan, wixii aad u’aragtaan falalkaas gaarsiiya Ciidanka Booliska oo howshaas gacanta ku haya, idinka oo u maraya Telefoonka gaaban ee 991 ama baraha Bulshada ee Taliska booliska.