Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Guddoomin doona Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Ku-xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal iyo Ku Xigeennadiisa, Xubno ka tirsan Goleyaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Related posts

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025

Shirkan oo loo asteeyey in uu ku qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ayaa ku saabsan hannaanka geeddi socodka siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyadoo madaxdu ay ka arrinsanayaan qodobbada muhiimka u ah dowlad dhiska dalka oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorasho waafaqsan dastuurka, sharciga doorashooyinka iyo xeerarka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo gaargaar ah la qaadan doonaa Madaxda Heer Dowlad Goboleed, waxgaradka deegaanka iyo bulshada rayidka ah.

 

Previous Post

Sare U Qaadidda Dakhliga Canshuuraha Gobolka Banaadir Oo Laga Wada Hadlay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga soo xulista Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In