Guddomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan oo ay wehliyaan agaasimayaal ka socday xafiska ra’isulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya guddiga ka hortagga fatahaadda Beledweyne ayaa waxa ay kormereen gooba uu ka soo jabsado wabiga Shabeelle xilliyada uu wado biyaha aad ka ubadan .
Masuuliyiinta ayaa kormeer indho-indheyn ah ku sameeyay dhammaan goobaha laga cabsi qabo inuu markale fatahaad ka sameeyo wabiga, Waxaana ay ka dambeysay kaddib markii sacaadihii lasoo dhaafay ay ka billowdeen Roobka deyrta .
Guddoomiyaha guddiga ka hortagga fatahadaha Beledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxoow ayaa sheegay in ay billaabeen qorshayaal ay kaga hortagayaan fatahaadda wabiga uu sameeyo markale.
Guddoodomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay ka qeyb-qaadato dadaallada dadka reer Beledweyne ay ugu jiraan sidii looga hortagi lahaa fatahadaha soo laalaabtay.
“Waxaan dowladda Soomaaliya ka codsaneynaa sida ay hore inoogala shaqeysay howsha adag ee aan ugu jirno ka hortagga iyo sidoo kale samata bixinta dadkii ay hore u saameeyeen fatahaadihii ka dhacay Baladweyne ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan.
Waa fatahaaddii seddexaad ee ka dhacday Magaalada Beledweyne muddo hal sano gudaheed ah waxaana dadka ay codsanayaan in wax laga qabto xaaladahaan soo laa laabtay ee afeeyay dadka iyo duunyo waxii ku nolaa magalaada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.