Sunday, August 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed oo soo dhaweeysay heerka Howlgalka Barnaamijka Baxnaano+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
July 29, 2020
in Wararka
0
Dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed oo soo dhaweeysay heerka Howlgalka Barnaamijka Baxnaano+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kullan la xiriira heerka howlgalka barnaamijka Baxnaano ee dowladda Soomaaliya ay ku taageerrayso bulshada nugul iyo saameynta uu ayaxa u geystay qoysaska Koonfur galbeed ayaa maanta ka dhacay xarunta madaxtooyadda Dowlad-gobolleedka Koonfur galbeed ee magaalada Baydhabo,kaddib markii uu galinkii dambe ee shalay gaaray Baydhabo wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa.

Kullanka waxaa ka qaybgalay guddoomiyaha baarlamaanka dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Cali Saciid Fiqi , Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Koonfur galbeed, Madaxa barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullaahi, wasiirro ka tirsan maamulka iyo qaybaha bulshada ee magaalada Baydhabo.

Related posts

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

August 16, 2025
Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

August 16, 2025

“Barnaamijka Baxnaano wuxuu gaaray deegaanno badan oo Gobolka ah wuxuuna gacan ka gaystay isbadal bulsho iyo horumarinta nolasha dadka nugul.” ayuu yiri Cabdukadir Cumar Cabdullaahi, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfurgalbeed.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa sheegay dowladda Soomaaliya ay dadaal galinayso horumarinta Bulshada iyo deegaannada dalka, isagoo caddeeyay barnaamijka Baxnaano inuu door wayn ka qaaddanayo sidii loo dhimi lahaa saboolnimada.

“Waxaan dadaal galinaynaa sidii aan ugu abuuri lahayn fursado qoysaska shaqeeya, kuwa ugu saboolsan iyo kuwa nugul ee dalka ku nool si ay u helaan kaalmo lacageed iyadoo ujeedku yahay in la soo afjaro saboolnimada.” ayuu yiri Wasiir Sadiq.

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad-gobolleedka Koonfur galbeed, Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay barnaamijka Baxnaano inuu gacan ka geysanayo sidii bulshada ay ugu nagaadi lahaayeen deegaannadooda ,halkaa oo ay ku helayaan taageerro, halkii ay magaalooyinka usoo barakici lahaayeen, wuxuuna dowladda Soomaaliya iyo wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada Soomaaliya ku ammaanay dadaalka la xiriira horumarinta bulshada nugul,isagoo sheegay in dhinacooda ay soo dhaweynayaan heerka fulinta ee Barnaamijka Baxnaano.

Barnaamijka Baxnaano oo qayb ka ah siyaasadda ilaalinta bulshada ee wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada,waxaa bishii April ka daah-furay muqdisho, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cadullaahi Farmaajo, wuxuuna Barnaamijkan kaalmo lacageed muddo sannad ah ku taageerraya 1.3 milyan oo ruux ,kuwaaso ka mid ah qoysaska ugu nugul ee Soomaaliya.

Tags: Dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed oo soo dhaweeysay heerka Howlgalka Barnaamijka Baxnaano+Sawirro
Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Agab looga hortago Covid-19 gaarsiisay Ceelbarde+Sawirro

Next Post

Golaha Shacabka oo Akhrinta Kowaad marsiiyay Hindise Sharicyeedka burcad Badeedda+Sawirro

Next Post
Golaha Shacabka oo Akhrinta Kowaad marsiiyay Hindise Sharicyeedka burcad Badeedda+Sawirro

Golaha Shacabka oo Akhrinta Kowaad marsiiyay Hindise Sharicyeedka burcad Badeedda+Sawirro

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala...

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah Degmada Afgooye ugu daahfuray ololaha...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra'iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo ay weheliyaan Safiirka...

Xubno ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

Xubno ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed, ayaa magaalada Baydhaba ku soo bandhigay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In