Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Shacabka oo Akhrinta Kowaad marsiiyay Hindise Sharicyeedka burcad Badeedda+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Golaha Shacabka oo Akhrinta Kowaad marsiiyay Hindise Sharicyeedka burcad Badeedda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanadda golaha shacaka oo kulan ay ku yeesheen xarunta ku meelgaarka ah ee Villa Hargeysa  ayaa akhrinta koowaad marsiiyeen Hindise Sharicyeedka dib-u-eegista Sharciga la dagaalanka Burcad badeeda iyo ka hortaga af duubka sharci LR.36 ee soo baxay sodonkii bishii April sanadkii 1975-kii,waxaana muhiimada sharcigan uu dalka u leeyahay golaha u faah faahiyay sii hayaha wasiirka Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji.

“Sharicgaan waxa uu ,muuhiim u yahay dalka waana loo baahanyahay in dib-u-eegis lagu sameeyo si aan xal ugu helno baddeyna maadaama ay jiraan baraakiib si sharci daro usoo galo dalka iyo sidii aan xal ugu heli laheyn arrimaha burcad baddeeda.

Related posts

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026

Dhinaca kale mudanayaasha golaha ahacabka ayaa akhrinta 2-aad marsiiyeen ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020-ka,waxaana xildhibaanadda golaha warbixinta guddiga u akhriyay xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda, miisaaniyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adda Dowladda ee golaha shacabka.

Qaar ka mid ah xildhibaanadda golaha shacabka ayaa fikradahooda ka dhiibtay warbixinta guddiga ee ku aadan ku noqoshada miisaaniyadda sanadka 2020-ka,waxaana kulanka joogay wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa iyo sidoo kale waaxda Miisaaniyadda ee wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ka jawaabayay su’aalaha xilidhibaanada waxaana uu ka codsaday inay meel mariyaan.

“Maanta waxa aan baarlamaanka markale ka hor akhrinay ku noqoshada Miisaaniyadda 2020, inagoo sidoo kale ka jawaabnay su’aalaha Baarlamaanka ee ku aadan arrimaha Miisaaniyadda.

“Waxa aan ka rajeynayaa Xildhibaanada Soomaaliyeed in ay meel mariyaan dib-u-eegidda Miisaaniyadda oo muhiim u ah sii wadidda howlaha Dowladda.ayuu ku daray hadalkiisa wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducale Bayle.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa soo xeray maanta kulanka ay yeesheen xildhinaabada waxaana soo xaadiray kalfadhiga maanta 144 mudane.

Tags: Golaha Shacabka oo Akhrinta Kowaad marsiiyay Hindise Sharicyeedka burcad Badeeda+Sawirro
Previous Post

Dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed oo soo dhaweeysay heerka Howlgalka Barnaamijka Baxnaano+Sawirro

Next Post

Bulshada ku nool deegaanka Garas-dheere oo ka mahadceliyay Ceel-biyood loo qoday+Sawirro

Next Post
Bulshada ku nool deegaanka Garas-dheere oo ka mahadceliyay Ceel-biyood loo qoday+Sawirro

Bulshada ku nool deegaanka Garas-dheere oo ka mahadceliyay Ceel-biyood loo qoday+Sawirro

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Yugaandha,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026
0

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In