Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wararkii u Dambeeyay Qaraxyaddii Beyruut

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Wararkii u Dambeeyay Qaraxyaddii Beyruut
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baariyaasha Lubnaan ayaa ku foogan sidii loo heli lahaa ciddii ka dambeysay qaraxyadii ku habsaday caasimadda Beyruut tallaadadii, ilaa iyo hadda waxaa la aaminsan yahay in sababtu ay aheyd keydin xumo tobanaan tones oo maaddo bacraminta loo adeegsado oo sidoo kale qarax dhalisa taas oo lagu keydiyay makhsin ku dhex yaalay dekada.

Waraarka ayaa sidoo kale sheegaya in dowladdu amartay in xabsi guri lagu hayo qaar kamid ah saraakiisha dekada Beyruut.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025

Sababta dhabta ah ee ka dambeysay qaraxyadii tallaadadii ilaa iyo hadda ma cadda laakiin waxaa la aamisan yahay in 2,750 oo maaddada ammonium nitrate oo 6 sano ka hor lagu keydiyay bakhaar dekada ku dhex yaala ay qaraxday.

Qaraxyadaas ayaa si weyn u gilgiley guud ahaan caasimadda Lubnaan ee Beyruut kaas oo ay ku geeriyoodeen 135 ruux in ka badan 5,000 oo kale ay ka dhaawacmeen.

Saraakiisha ayaa sheegaya in khasaaraha uu intaas ka badan karo maadaama kooxaha gurmad deg deg ah wali qodeyaan burburka kana raadinayaan dadka ku hoos jira dhismiyaasha burburey.

In ka badan 300,000 oo guri ayaa ku burburey, sida uu sheegay barasaabka Beyruut Marwan Abboud isagoo intaas ku daray in hanti lagu qiyaasay $10bn ilaa $15bn lagu waayay qaraxyada.

Golaha wasiirada Lubnaan ayaa ku dhawaaqay labo todobaad oo xaaladda deg deg ah lagu soo rogay caasimadda isla markaana ammaanka magaalada lagu wareejiyay ciidanka militiriga.

Safaaradda Mareykanka ee Lubnaan ayaa sheegtay in muwaadin Amerikaan ah uu kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxyadii Beyruut sidoo kalena dhowr qof ay ku dhaawacmeen.

“Waxaa tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelada dadkii ay jeclaayeen ku waayay. Waxaan si dhow ula socon doonaa xaaladda haddii qof kale oo Mareykanka uu wax ku noqday qaraxyada,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaarada Mareykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda France, Jean-Yves Le Drian ayaa walaac ka muujiyay sugnaanta cuntada Lubnaan ka dib qaraxii ka dhacay Beyruut oo saameeyay dekada iyo bakhaaradii cuntada ugu waa weynaa dalka.

Le Drian ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay in ay Lubnaan loo muujiyo is garab istaag dhanka dhaqaalaha ah.

Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa maanta oo khamiis ah la filayaa in uu tagi doono caasimadda Lubnaan ee Beyruut.

Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa ku dhawaaqay in wadankiisa u balan qaaday dhaqaale dhan 1.4 Milyan oo dollar oo lagu caawinayo dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxyadii ka dhacay Lubnaan.

Morrison ayaa wariyeyaasha u sheegay khamiistan maanta ah in lacagtaas ku wareejinayaan  WFP iyo Bisha Cas si dawo iyo waxyaabaha kale ee aas aasiga ah loogu iibiyo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aaminsan in qaraxyadii Beyruut ay ahaayeen weerar si ula kac ah loo sameeyay, laakiin xoghayahiis difaaca ayaa qaba in qaraxyadu ahaayeen shil, sida AP ka soo xigatay.

“Sidee ku dhihi kartaa waa shil haddii qof uu meesha uga tagay waxyaabo khatar badan oo qarax sababi kara,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha.

Xoghayaha difaaca Mark Esper ayaa horaan sheegay in qaraxyadii Lubnaan ahaayeen shil sida uu aaminsan yahay.

 

Previous Post

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur-Africa

Next Post

Madaxweyne Qoor Qoor iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo Dhaweeyay Dalka Turkiga+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Qoor Qoor iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo Dhaweeyay Dalka Turkiga+Sawirro

Madaxweyne Qoor Qoor iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo Dhaweeyay Dalka Turkiga+Sawirro

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025
0

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, kaas oo maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

November 26, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furtay ololaha...

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In