Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shiinaha oo Xabsiga ka daayay nin 27 sano si Qalad ah ku xirnaa

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Shiinaha oo Xabsiga ka daayay nin 27 sano si Qalad ah ku xirnaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Zhang Yuhuan ayaa booliisku jir-dileen si uu u qirto mas’uuliyadda dilka labo wiil oo dhacay sanadkii 1993.

waxaa uu noqday ninkii Shiinaha si qalad ah loogu xiro kii ugu mudddada dheeraa, isagoo dambi uusan gelin u xirnaa  9,778 maalmood xabsiga ku yaala gobolka Jiangxi ee dalkaas.

Related posts

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025
Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

November 26, 2025

Xeer ilaaliyaha dib u furey kiiska Mr. Zhang ayaa sheegay in qirashadiisii ay ku timid qaab aan habooneyn isla markaana xiriir ka dhexeynin dambigii horey loogu eedeeyay.

Waxaa uu ka soo baxay xabsiga isagoo xor ah, ka dib markii maxkamadda sare ay cadeysay in aysan jirin cadeymo ku filan lagu xukumay.

Dadka indha dheeya Shiinaha ayaa sheegaya in ay jirto rabitaan aad u sareeyo oo ku aadan in dadka sida qaldan loogu xirey dadka Shiinaha la sii daayo, laakiin waa ku dambiyada madaniga loo heysto kuma jiraan kuwa siyaasadda u xiran.

Zhang Yuhuan, ayaa kiiskiisa waxaa uu bilowday bishii October 1993 kolkaas oo xaafaddii is maamulka Jinxian oo ka tirsan caasimadda gobolka Jiangxi ee Nanchang laga heley meydka labo wiil kadibna waxaa la xirey Mr. Zhang isagoo lagu eedeeyay in uu dilkaas ka dambeeyay.

Bishii Janaayo, 1995 ayaa maxkamad ku taala magaalada Nanchang ku heshay dambi waxayna ku xukuntay dil, laakiin waxaa xukunkiisa laga gooyay labo sano oo uu xirnaa.

Mr. Zhang waxaa si xun u jir-diley booliiska intii ay socotay baarista kiiska, hase yeeshee waxaa uu ku doodi jirey in uusan dambi laheyn.

Muuqaal ay baahiyeen warbaahinta Shiinaha ayaa waxaa laga arkaayay Mr.Zhang oo dib ula midoobey qoyskiisa oo ay kamid tahay hooyadiis oo 83 sano jir ah iyo xaaskiisii hore.

Afadiisii hore, Song Xiaonyu, ayaa Mr Zhang  u haya labo wiil ka hor inta uusan furin 11 sano ka hor. inkastoo ay nin kale guursatay, haddana waxay sheegtay in ay caawin doonto seygeedii hore.

“Aad ayaan ugu farxay markii aan maqlay go’aanka maxkamadda,” ayay tiri Ms Song.

Mr. Zhang ayaa maxkamadda u sheegay in uu u baahan yahay in mag-dhow laga siiyo muddadii uu sida qaladka ah ku xirnaa.

“Waxaan keliyantigayga kala hadli doonaa caddada (tirada) mag-dhowga inta ay noqoneyso ,” sidaa waxaa wargeyska China Daily u sheegay qareenka Mr Zhang, Wang Fei. “Waxaan qorsheynaynaa in aan weydiisano kuwa sida qaladka wax ku xukumay in ay mas’uuliyadooda qaataan.”

Inkastoo tani dhacday, racfaankiisa wuxuu noqday mid aan guuleysan. Hase ahaatee bishii Maarso 2019 ayaa maxkamadda sare ogolaatay in kiiska la soo celiyay, bishii Luulyo ee sanadkan ayaana ugu dambeyn maxkamaddu go’aamisay in Mr. Zhang uu yahay nin aan dambi laheyn.

Tian Ganlin oo kamid ah qaadiyaasha maxkamadda sare ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay maxkamadda ku yiri, said: “Ka dib markii aan eegnay waxyaabihii horey loogu xukumay waxaa noo soo baxday in aysan jirin cadeyn ku filin sidaas awgeed waxaa go’aaminay in xukunkii Mr. Zhang uu ahaa mid qalad ah. Waxaana ogolaanay soo jeedinta xeer ilaalinta oo aheyd in Mr. Zhang uu yahay dambi la’aan.”

Laakiin arrinta xusidda mudan ayaa ah in ciddii ka dambeysay dhimashada labadii wiil ee 1993 aan wali la ogeyn.

 

 

Previous Post

Suuq Weyn oo Imaaraadka ku yaala oo Dab ka kacay +Sawirro

Next Post

Galmudug oo Qorsheynaysa Tubta Horumarinta Waxbarashada +Sawirro

Next Post
Galmudug oo Qorsheynaysa Tubta Horumarinta Waxbarashada +Sawirro

Galmudug oo Qorsheynaysa Tubta Horumarinta Waxbarashada +Sawirro

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025
0

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, kaas oo maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

November 26, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furtay ololaha...

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo...

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In