Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Aqalka Sare Oo Daah Furay Dhismaha Buundada Baardheere

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdiga uu horkacayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad ayaa waxa ay gaareen magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo,  waxaana garoonka diyaaradaha Baardheere ku soo dhaweeyay Maamulka Degmada, kan Gobolka, ciidamada qalabka sida iyo qeybaha bulshada ee ku nool magaalada.

Wafdiga ayaa ujeedda socdaalkooda ay ku tegeen Baardheera la xiriirtay sidii loo  daahfuri lahaa dhismaha Buundada oo bur bur aad u weyn uu ka muuqdo, isla markaana aan helin dib u dayactir.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Maamulka Degmada Baardheere, Xildhibaanno, ka tirsan Golaha Shacabka, Senatoro ka socday Golaha Aqalka Sare iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay dib u dhiska Buundada ayaa waxa ay  sheegeen in haatan si rasmi ah loo bilaabi doono dib u dhiska Buundada.

Guddoomiye ku-xigeenka laaad ee Golaha Aqalka Sare Senator Mowliid Xuseen Guhaad oo daahfuray dhismaha Buundada Baardheere ayaa sheegay in deg deg loo dhisayo, injineeradii dhisayayna lagu wareejiyay qalabka iyo buundada, isagoo dhinaca kale sheegay  in dowlada Federaalka Soomaaliya ay go’aansatay dhismaha buundada.

Buundada Degmada Baardheere ayaa waxa ay ka mid tahay Buundooyinkii bur buray sanadihii la soo daafay ee aan helin wax dayactir ah, haatanna ay dowladda Soomaaliya ay u tafa xeedatay sidii ay u dayactiri lahayd buundada Degmada Baardheere oo marin u ah gaadiidka iyo dadweynaha.

Previous Post

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Habraacyada Xoogga Dalka, Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Iyo Siyaasadda Ilaalinta Bulshada “SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Ee Danab Oo Jubbooyinka Ku Dilay Lix ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab “SAWIRRO”

Next Post
Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Ee Danab Oo Jubbooyinka Ku Dilay Lix ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Ee Danab Oo Jubbooyinka Ku Dilay Lix ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab “SAWIRRO”

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In