Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Aqalka Sare Oo Daah Furay Dhismaha Buundada Baardheere

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdiga uu horkacayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad ayaa waxa ay gaareen magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo,  waxaana garoonka diyaaradaha Baardheere ku soo dhaweeyay Maamulka Degmada, kan Gobolka, ciidamada qalabka sida iyo qeybaha bulshada ee ku nool magaalada.

Wafdiga ayaa ujeedda socdaalkooda ay ku tegeen Baardheera la xiriirtay sidii loo  daahfuri lahaa dhismaha Buundada oo bur bur aad u weyn uu ka muuqdo, isla markaana aan helin dib u dayactir.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Maamulka Degmada Baardheere, Xildhibaanno, ka tirsan Golaha Shacabka, Senatoro ka socday Golaha Aqalka Sare iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay dib u dhiska Buundada ayaa waxa ay  sheegeen in haatan si rasmi ah loo bilaabi doono dib u dhiska Buundada.

Guddoomiye ku-xigeenka laaad ee Golaha Aqalka Sare Senator Mowliid Xuseen Guhaad oo daahfuray dhismaha Buundada Baardheere ayaa sheegay in deg deg loo dhisayo, injineeradii dhisayayna lagu wareejiyay qalabka iyo buundada, isagoo dhinaca kale sheegay  in dowlada Federaalka Soomaaliya ay go’aansatay dhismaha buundada.

Buundada Degmada Baardheere ayaa waxa ay ka mid tahay Buundooyinkii bur buray sanadihii la soo daafay ee aan helin wax dayactir ah, haatanna ay dowladda Soomaaliya ay u tafa xeedatay sidii ay u dayactiri lahayd buundada Degmada Baardheere oo marin u ah gaadiidka iyo dadweynaha.

 

 

Previous Post

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Habraacyada Xoogga Dalka, Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Iyo Siyaasadda Ilaalinta Bulshada “SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Ee Danab Oo Jubbooyinka Ku Dilay Lix ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab “SAWIRRO”

Next Post
Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Ee Danab Oo Jubbooyinka Ku Dilay Lix ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Ee Danab Oo Jubbooyinka Ku Dilay Lix ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In