Saturday, November 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kiiska Muwaadin Soomaaliyeed oo Dowladda Denmark sharcigii kala noqotay oo maxkamad horyaala

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Kiiska Muwaadin Soomaaliyeed oo Dowladda Denmark sharcigii kala noqotay oo maxkamad horyaala
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdulcasiis Axmed Cumar waa Muwaadinka Soomaaliyeed oo muddo 5 sano ah kunoolaa dalka Denmark,gaar ahaan magaalada lagu magacaabo Tarm,dhawaan ayaa dowladda dalkaasi Denmark waxaa ay u sheegtay in sharcigii ay kala noqotay,kadib markii uu sharcigii ka dhacay iskuna dayay in uu dib u cusboonaysiisto.

Wakaaladda SONNA ayuu la soo xiriiray isagoo jooga dalkaasi,wuxuuna uga waramay dhibaatada dalkaasi ku uhaysata iyo sababta loogalanoqday aqoonsiga Passaporka.

Related posts

Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada oo la soo gabagabeeyay

Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada oo la soo gabagabeeyay

November 26, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo iftiimiyay ahmiyadda shirka u leeyahay xoojinta adeegyada Benii’aadannimada

Guddoomiyaha SoDMA oo iftiimiyay ahmiyadda shirka u leeyahay xoojinta adeegyada Benii’aadannimada

November 26, 2026

“Waxaan ahay muwadin Soomaaliyeed oo ku sugan wadankan denmark, waxaana jooga Denmark muddo 5 sano ah,sharcigi waddanka ayaa iga dhamaday 2019  bishi July,waxaan tagay halka laga soo cusbooneysiyo sharciga waxa ay iyirahdeen anaga jawabta ku siindoonoeyna.

“Biloyin kadib jawabtii ayaa noqotay waxaan kala noqonay ogolaanshihii waddanka aad ku joogtay,waa in aad waddanka uga baxdaa muddo 7 casho ah ama aad ku qabsataa Looyaro”.ayuu yiri C/casiis Axmed Cumar.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa waregysigiisa uu siiyay SONNA wuxuu ku sheegay in mustaqbalkiisa ee joogitaanka dalkaasi ay ku xirantahay Alle ka sokow $1700 oo dollarka,taasi oo uu qareeno ku qabsanaayo si uu u helo xuquuqdiisa.

C/casiis Axmed Cumar wuxuu intaasi ku daray in uusan awoodin in uu kharashkaasii iska bixiyo,lacagta biilka ah ee uu qaatana oo waalidkiisa inyer kubiilo inta kalena noloshiisu uu ku maareeyo,taasi oo keentay in uu u qeylo dhaamada walaalihiisa Soomaaliyeed.

Sanadihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay dhibaatooyinka dhanka sharciyada ah oo ay dadka soo galootiga ah kala kulmayeen dowladaha reer Yurub,iyadoo ay jiraan dad badan oo ilaa iyo haatan sharciyo aanay helin,kuwo sharciyada lagala noqday iyo dhibaatooyin kale.

 

Tags: Kiiska Muwaadin Soomaaliyeed oo Dowladda Denmark sharcigii kala noqotay oo maxkamad horyaala
Previous Post

Danjiraha JFS ee Suudaan oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Itoobiya dalkaasi u fadhindoona+sawirro

Next Post

Madaxweynaha Galmudug Oo Lagu Soo Dhaweeyay Istanbul “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug Oo Lagu Soo Dhaweeyay Istanbul “SAWIRRO”

Madaxweynaha Galmudug Oo Lagu Soo Dhaweeyay Istanbul "SAWIRRO"

Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada oo la soo gabagabeeyay

Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada oo la soo gabagabeeyay

November 26, 2026
0

Waxaa magaalada Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya (CHF), kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda Bani’aadanimada, u...

Guddoomiyaha SoDMA oo iftiimiyay ahmiyadda shirka u leeyahay xoojinta adeegyada Benii’aadannimada

Guddoomiyaha SoDMA oo iftiimiyay ahmiyadda shirka u leeyahay xoojinta adeegyada Benii’aadannimada

November 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa hadal ka jeediyay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya...

Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed oo ka hadlay Shirka Madasha Arrimaha Benii’aadabnimada Soomaaliya

Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed oo ka hadlay Shirka Madasha Arrimaha Benii’aadabnimada Soomaaliya

November 26, 2026
0

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdinasiir Caruush, oo ka hadlay Shirka Madasha Arrimaha Banii’aadanimada Soomaaliya...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo dhaweeyay wafdi ka qeybgalayo shirka CHF

Guddoomiyaha SoDMA oo soo dhaweeyay wafdi ka qeybgalayo shirka CHF

November 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay madax ka tirsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In