Madaxweynaha Dowlad goboleedka ย Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggoomaniyo ayaa waxaa soo dhoweeyay diiran loogu sameeyay deegaanka Horogle e gobolka Mudug.
Soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ka qeyb-galay qeybaha kala duwan ee bulshada oo u badan dhallinyaro iyo wax-garadka deegaan.
Dhinaca kale madaxweynaha punland ย waxaana soo dhaweynta kaddib socdaalkiisa deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ku tagay Cagaaran waxaana uu kulan looga hadlayay amniga la qaatay nabadoonada iyo Waxgaradka deegaanka Cagaaran isagoo kala ย hadlay xaaladda guud ee deegaanka, ka shaqeynta Amniga iyo horumarka guud.
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ย ayaa sidoo kale ย dhaggax dhigay Ceel-Biyood laga hirgalinayo deegaankaasi.
Waa safarkii ugu horeeyay uu madaxweynaha punland Saciid Cabdullaahi Deni ย ku tago gobolka Mudug deegaannadiisa qeybta ay maamusho punland tan iyo markii uu qabtay hogaanka dowlad goboleedka Punland.


























