Sunday, June 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka xoogga oo ku baxay deegaanka Shabeellow oo maleeshiyada Al-shabaab iyo dadka deegaanka ay ku dagaalameen

admin by admin
August 12, 2020
in Wararka
0
Ciidanka xoogga oo ku baxay deegaanka Shabeellow oo maleeshiyada Al-shabaab iyo dadka deegaanka ay ku dagaalameen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa ku baxay deegaanka Shabeellow oo qiyaastii 20-km u jira deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, kaddib markii maleeshiyada Al-shabaab ay dagaal ku soo qaaday dadka deegaanka oo ka biyo diiday amarro ay dul dhigeen.

Dagaalka ay maleeshiyada argagaxisadu kusoo qaaday dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa deegaanka Shabeellow  aroortii hore ee saaka ayay wararku sheegayaan in uu ka dambeeyay kaddib markii maleeshiyadu ay isku dayday in ay baad ka qaataan dadka deegaanka,taas oo ay ka biyo diideen dadka rayidka ah ee halkaas ku nool.

Related posts

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

June 14, 2025

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu jiro khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray maleeshiyada Al-shabaab iyo dadka deegaanka oo naftooda u huray in ay iska xureeyaan cadowga kusoo duulay deegaannadooda,waxaana hadda deegaanka kaabiga ku haya ciidanka xoogga dalka si ay u baacsadaan argagaxisada oo aan awoodin in ay u babac dhigaan ciidanka Qaranka.

Muddooyinkii dambe shacabka Soomaaliyeed ee nool deegaannada ay ku suganyihiin maleeshiyada Al-shabaab ayaa ku baraarugay dhagarta argagaxisada, waxeyna billaabeen in ay la dagaalamaan si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada ay ku hayaan,iyadoo cadowga jab xooggan la gaarsiiyay.

 

 

 

Previous Post

Kulanka Golaha shacabka oo lagu wado in uu goordhaw ka furmo Muqdisho

Next Post

AMISOM oo agab gaarsiisay barakacayaal ku nool Baladweyne

Next Post
AMISOM oo agab gaarsiisay barakacayaal ku nool Baladweyne

AMISOM oo agab gaarsiisay barakacayaal ku nool Baladweyne

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Liibaan Cali Maxamed u magacaabay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

June 14, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo...

Boqorka dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya dalkaasi

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay boqorka dalkaasi

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHIO: Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalalka Scandanevian-ka Danjire Cabdikariim Axmed Maxamed ayaa warqadihiisa aqoonsiga waxaa ka guddoomay...

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen? Waxay arkeen dhulka badda ka hooseeya sida u dhisan yahay –...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In