Friday, June 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Danab oo Carruur ay Al-shabaab barayeen is-qarxinta dib ugu celiyay waalidiintooda

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Danab oo Carruur ay Al-shabaab barayeen is-qarxinta dib ugu celiyay waalidiintooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Xoogga Dalka ee Sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Dagmada Kuntuwaarey ee Gobalka Shabeellaha Hoose waxey ku soo furteen 33 Carruur ah oo aan qaangaar aheyn, kuwaas oo si qasab ah ay uga soo wateen waalidiintooda maleeshiyada Alshabaab si ay u baraan afkaarta xagjirnimada ah ee ay aaminsanyihiin.

Ciidamada ayaa markii ay la wareegeen gacan ku heynta dagmada waxay tageen xerada lagu hayay carruurtaan  iyagoo markii soo furteen si nabad ah ugu wareejiyay eheladooda.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Sidoo kale Howlgalka oo bartilmaameedkiisu  ahaa Horjoogeyaal iyo rag lagu dabajoogay oo ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu soo qabqabtay Tobaneeyo ka tirsan Xagjirka Alshabaab oo qaarkood ku xirnaa Saldhiga Dagmada.

Inta Howlgalka ay ciidamadu ku guda jireen ayay heleen xog dheeraad ah oo ku saabsan goobaha ay Al Shabaab ku diyaariyaan Qaraxyada, waxaana halkaas laga qabtay Miinooyin iyo Maadooyin farabadan oo qaraxyada loo adeegsado.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid lasii qorsheeyay islamarkaana uu sii socondoono.

Previous Post

Kulanka Golaha Shacabka oo lagu wado in uu goordhow furmo

Next Post

Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay xildhibaannada Golaha Shacabka

Next Post
Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay xildhibaannada Golaha Shacabka

Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay xildhibaannada Golaha Shacabka

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In