Saturday, August 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiinta wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay aaska meydka marxuum Cabdirisaaq Cabdullaah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiinta wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay aaska meydka marxuum Cabdirisaaq Cabdullaah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Alla ha u naxriistee waxaa maanta qabuuro ku yaala isbitalka Xooga degmada Hodan ee magaalada Muqdisho lagu aasey meydka marxuum Cabdirisaaq Cabdullahi Cabdi Agaasimihii xiriirka gobolada ee wasaaradda Warfaafinta oo ku geeriyooday weerarkii argagixiso ee shalay ka dhacay Liido.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka  iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf (Al-cadaala) oo ay wehliyaan agaasimeyaasha waaxyaha wasaaradda ayaa ka qeybgalay aaskiisa.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Sidoo kale waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan golayaasha baarlamaanka iyo xukuumadda,eheladda marxuumka iyo culimaa’udiin,kuwaasi oo dhamaantooda rabbi uga baryay in naxriistii Jana uu ka waraabiyo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda oo ay wehliyaan agaasimeyaasha waaxyaha ayaa waalidiinta marxuumka la kulmay aaska ka dib,isagoo u balan qaaday in ka wasaarad ahaan ay ka warqabidoonaan qoyska Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi,gaar ahaan hooyadii dhashey iyo aaska marxuumka oo iyagu goobtaasi ku sugnaa.

Rabbi ha u naxriistee Cabdirisaaq wuxuu ahaa shaqsi ku wanaagsanaa la dhaqanka bulshada gaar ahaan asxaabtiisa shaqada,wuxuuna wasaaradda uu ka soo qabtay xilal kala duwan sida Waxyaha Dalxiiska iyo Xiriirka gobolada oo markii ugu dambeysay uu agaasime ka ahaa.

Ina lilaahi wa ina ileyhi raajicuun.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo cambaareeyay qaraxii lala beegsaday Wasiir Goodax iyo qarixii Liido.

Next Post

Guddoomiye Ku-Xigeenka 2-Aad Ee Aqalka Sare Oo Mashaariic Horumarineed Ka Dhagax Dhigay Gedo “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Ku-Xigeenka 2-Aad Ee Aqalka Sare Oo Mashaariic Horumarineed Ka Dhagax Dhigay Gedo “SAWIRRO”

Guddoomiye Ku-Xigeenka 2-Aad Ee Aqalka Sare Oo Mashaariic Horumarineed Ka Dhagax Dhigay Gedo “SAWIRRO”

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In