Monday, July 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxwaynaha Galmudug oo bogaadiyay furitaanka wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareeb 3

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 18, 2020
in Wararka
0
Madaxwaynaha Galmudug oo bogaadiyay furitaanka wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareeb 3
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Galmudug Mudane  Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay saqdii dhexe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegay muhiimadda furitaanka wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareb3, kaas oo hadda madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaarkood ay u joogaan halkaasi.

“Maanta waxaa noo furmay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo aan isala falanqeeynay qorshaha ay noo soo gudbiyeen guddiga farsamada doorashada, iyada oo madaxdu ay isku af-garteen qodobbo badan oo ku aaddan doorashooyinka dalka. ‘Sida aad wada ogsoontihiin waxaa illaa hadda nagala soo qayb galay furitaanka Shirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxweyneyaasha Dowladda goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.”

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo gaaray Magaalada Baydhabo

July 21, 2025
Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay qeybo ka mid ah Shabeelleda dhexe

Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta

July 21, 2025

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor waxa uu sheegay in ay bilaabeen falanqeynta iyo ka doodista nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dabayaqada sanadkaan. Madaxweynuha Galmudug waxa uu baaq u diray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo aan wali soo gaarin  madasha shirka, isagoo ka codsaday in reer Galmudug ay ku qadariyaan gogosha ay dhigeen.

“Walalayaal waa idin sugeynaa, noo imaada, shirka inaad ka soo qeyb gashaan ayaa rajeynayaa, oo aad tixgelisaan oo  qadarisaan gogosha reer Galmudug,” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Ugu dambeyntii waxa uu madaxweyne Axmed Qoor Qoor raja ka muujiyey  shirka in ay ka soo baxdo natiija wanaagsan, Soomaaliduna ay ku heshiin doonto nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Guddoomiyey Furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Iyo Dowlad Goboleedyada Ee Dhuusamareeb

Next Post

Taliska qaybta guud ee Booliiska Galmudug oo bilaabay dhismaha Saldhiga Magaalada Dhuusomareeb “Sawirro”

Next Post
Taliska qaybta guud ee Booliiska Galmudug oo bilaabay dhismaha Saldhiga Magaalada Dhuusomareeb “Sawirro”

Taliska qaybta guud ee Booliiska Galmudug oo bilaabay dhismaha Saldhiga Magaalada Dhuusomareeb "Sawirro"

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo gaaray Magaalada Baydhabo

July 21, 2025
0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba,...

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay qeybo ka mid ah Shabeelleda dhexe

Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta

July 21, 2025
0

Waxaa jira digniino ku aadan halista kooxda Khawaarijta ah ay mar walba la maagan yihiin shacbiga Soomaaliyeed, waxaana loo baahan...

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay adkeynta dhaqanka

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay adkeynta dhaqanka

July 20, 2025
0

Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle iyo xubno ka tirsan Dublamaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka qaybgalay xaflad aad u...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐢𝐫𝐨-𝐝𝐡𝐚𝐥 𝐚𝐡 𝐖𝐚𝐝𝐚 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐢𝐫𝐨-𝐝𝐡𝐚𝐥 𝐚𝐡 𝐖𝐚𝐝𝐚 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲

July 20, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta kulan muhiim ah waxa uu xarunta Wasaaradda Maaliyadda kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In