Sunday, April 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wajiga Labaad Ee Tira Koobka Shaqaalaha Dowladda Oo Lasoo Gabagabeeyay+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Wajiga Labaad Ee Tira Koobka Shaqaalaha Dowladda Oo Lasoo Gabagabeeyay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasaaradda Hawlaha Guud oo wadda dadaallo guriyayn loogu samaynayo dadka danyarta ah iyo barakacayaasha

Wasaaradda Hawlaha Guud oo wadda dadaallo guriyayn loogu samaynayo dadka danyarta ah iyo barakacayaasha

April 26, 2026
Ehelada dhalinyaro ku geeriyooday badda u dhexaysa Algeria iyo Spain oo la baadi-goobayo

Ehelada dhalinyaro ku geeriyooday badda u dhexaysa Algeria iyo Spain oo la baadi-goobayo

April 26, 2026
Sii hayaha wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda ku soo xiray wajiga labaad ee tirakoobka madax ka tiriska Shaqaalaha Rayidka Dowladda.
Tirakoobka waxaa la marsiiyay howlwadeennada Hay’adaha Dowladda iyo shaqaalaha aan la marsiin wajiga koowaad ee tirakoobka Shaqaalaha Rayidka.
“Muddo toddobaad ah oo tirakoobka uu socday, waxaa maray dhammaan shaqaalaha fasaxa iyo cududaaradda ku maqnaa iyo hay’adaha aan la tirakoobin shaqaalahooda, tanina waxay ka dhigan tahay in la dhammaystiray tirakoobka shaqaalaha.” ayuu yiri
Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Mudane Xasan Abshirow Maxamed.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Sadiq Xirsi Warfa ayaa ku sheegay ujeeddada laga leeyahay tirakoobka Shaqaalaha Dowladda , kor u qaadidda tayada shaqaalaha iyo dhismaha kayd dhexe si loo gaaro daahfurnaan.
“Tirakoobka shaqaalaha oo aan dadaal galinay waxaan ku doonaynaa inuu door ka qaato horumarinta Shaqaalaha oo muhiim u ah gaarista yoolalka dib u dhis ee dalka.” ayuu yiri isagoo inta ku daray “ Waxaan diiradda saaraynaa sidii daahfurnaan lagu gaari lahaa oo ay fursadaha shaqooyinka u noqdaan kuwo si siman looga faa’iideysto.”
Wasiir Sadik Warfa, ayaa u mahadceliyay guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo si wadajir ah uga shaqeeya

Tags: Wajiga Labaad Ee Tira Koobka Shaqaalaha Dowladda Oo Lasoo Gabagabeeyay+Sawirro
Previous Post

Ciidmada Ammaanka Magaalada Jowhar Oo Gacanta Ku Dhigay Aabbe Wiilkiisa Dilay

Next Post

Golaha Shacabka Ee Berri Ka Doodaya Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda

Next Post
Golaha Shacabka Ee Berri Ka Doodaya Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda

Golaha Shacabka Ee Berri Ka Doodaya Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda

Wasaaradda Hawlaha Guud oo wadda dadaallo guriyayn loogu samaynayo dadka danyarta ah iyo barakacayaasha

Wasaaradda Hawlaha Guud oo wadda dadaallo guriyayn loogu samaynayo dadka danyarta ah iyo barakacayaasha

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO(KENYA):-Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Soomaaliya ayaa kulan ku qabatay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, kaas oo ay la...

Ehelada dhalinyaro ku geeriyooday badda u dhexaysa Algeria iyo Spain oo la baadi-goobayo

Ehelada dhalinyaro ku geeriyooday badda u dhexaysa Algeria iyo Spain oo la baadi-goobayo

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in 17 dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen badda...

Wasaaradda howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasaaradda howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

April 25, 2026
0

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta we Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku qabatay kulan xarunta Safaaradda Soomaaliya kaas oo ay u...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan miro-dhal ah  la yeeshay Dhigiisa Dalka Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Dhigiisa Dalka Cumaan

April 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa wadahadallo rasmi ah la yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In