Wednesday, October 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanno Iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Uu Xilka Kula Wareegayay Guddoomiyaha Ciusub Ee Dharkeenleey “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 3, 2020
in Wararka
0
Xildhibaanno Iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Uu Xilka Kula Wareegayay Guddoomiyaha Ciusub Ee Dharkeenleey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula waregayay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir Mudane Guhaad Sheekh Xasan.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay qeybaha bulshada iyo maamulka Degmada.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

October 7, 2025
Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka hadlay madasha ayaa sheegay in Guddoomiye Guhaad uu wax badan ka qabtay intii uu joogay Degmada Xamar Jajab, waxaana ay ku booriyeen in uu howlkarnimo dheeraad ah la yimaado.

Guddoomiyihii hore ee Degmada Dharkeenleey Abuukar Axmed Caddow ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir muddadii ay wada shaqeynayeen iyo maamulka Degmada intuba, isagoo shacabka iyo maamulkaba ka codsaday inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub, isla markaana uu wax badan ka qabtay degmada inta uu joogay.

Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dharkeenleey Guhaad Sheekh Xasan ayaa balan qaaday dhankiisa in uu sii labo jibaarayo howlihii uu qabtay guddoomiyihii isaga ka horeeyay, waxaana uu intaa ku daray in bulshada uu ugu adeegi doono si cadaalad ah, isagoo u mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee degmada Abuukar Axmed Caddow.

“Saddex arrin ayaan rabaa inaan ka shaqeeyo oo ay ka mid tahay isdhexgalka bulshada, adeegyada aas aasiga ah ee ay bulshada u baahanyihiin iyo arrimo kale” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa bulshada Degmada Dharkeenleey ku sifeeyay kuwa Nabadda jecel, waxaana uu ka codsaday inay garab istaag u miuujiyaan guddoomiyaha cusub.

“Degmada Dharkeeynleey bulshada ku nool waa kuwa Nabadda jecel, waxaan leeyahay reer dharkeeynley waxaan leeyahay isku tashada sidii hore ee aad sameyn jirteen, waxaad heysataan Guddoomiye dhallinyaro ah oo aan ku cusbeyn shaqada, waxaana rabaa in aad garab istaagtaan, waana hubaa in uu la imaan doono howlkarnimo, anaguna kan maamul ahaan waan ku kormeereen shaqadiisa si uu dhiiri gelin uga helo” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Previous Post

Wafdi Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay “SAWIRRO”

Next Post

Waaxda Gurmadka Degdega Oo Ku Guuleystay Daminta Dab Ka Kacay Hotel Royal Palace “SAWIRRO”

Next Post
Waaxda Gurmadka Degdega Oo Ku Guuleystay Daminta Dab Ka Kacay Hotel Royal Palace “SAWIRRO”

Waaxda Gurmadka Degdega Oo Ku Guuleystay Daminta Dab Ka Kacay Hotel Royal Palace “SAWIRRO”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

October 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee ku...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2-aad...

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

October 7, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulamo gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In