Tababbarkaanย ku saabsan diiwaangalinta rasmiga ah ee howlwadeennada Xafiisyada Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Maamul Goboleedyada ayaa looga furay magaalada Dhusamreeb, waxaana furitaanka ka Qaybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug anha Ku-simaha Madaxwaynaha Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal.
ย Maxamed Cumar Xaydara Diiwaan hayaha Xisbiyadda ayaa ugu horayn ka waramay Furitaanka waxa uuna xusay in Xisbiyada loo fududaynayo Diwaangalinta, Tababbarkana loogaa Faa’iidaysan doono Habka wax loo diiwaangaliyo.
ย Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaaย Xustay in Maadaama Sharcigii Xisbiyada Dib-u-habayn lagu sameeyey loo baahday in Howl-wadeennada loo Tababbaro si ay ula jaanqaadaan.
ย Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Ahna kusimaha Madaxwaynaha Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Gabagabada ka hadlay waxa uuna sheegay in ka Maamul ahaan Guddiga ay ka Gacan siinayaan arrimaha Doorashooyinka.
ย Howl-wadeenada Xafiisyada Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muddo Saddex Maalmood ah qaadan doona Tababbarkaan ku saabsan Diiwaangalinta Rasmiga ah.





















