Saturday, July 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaamacadda Carabta oo Awoodi Waaysay Cambaareynta Heshiiska Imaaraadka iyo Isreal

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Jaamacadda Carabta oo Awoodi Waaysay Cambaareynta Heshiiska Imaaraadka iyo Isreal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hogaamiyeyaasha Falastiin ayaa ku guuleystay in ay dib u cusbooneysiiyaan qadiyaddood dowladnimo ka dib kulankii arbacadii dhacay, laakiin waxay awoodi waayeen in ay xubnaha jaamacadda Carabta ka dhaadhiciyaan in la cambaareeyo heshiiska Isreal iyo Imaaraadka ee la saxiisay bishii hore.

Wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta ayaa kulan ku yeeshay aaladda fogaan aragga, iyadoo madaxda Falastiin ay dabciyeen lahjaddooda ku aadan heshiiskii uu Mareykanku garwadeynka ahaa ee 13 August ay wada galeen Imaaraadka iyo Isreal.

Related posts

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026

“Arrintan aad ayaa looga hadlay. Waxayna aheyd mid la isku fahmay inkastoo mararka qaar ay adkaanaysay. Laakiin ugu dambeyn la iskuma raacin in war-murtiyeedka lagu daro soo jeedinta Falastiin ,” sidaa waxaa sheegay ku xigeenka xoghayaha guud ee Jamacadda Hossam Zaki oo warfidiyeenka la hadlay.

Heshiiska Imaaraadka iyo Isreal waxaa uu ahaa kii ugu horeeyay oo dal Carbeed uu la galo Yuhuudda muddo ka badan 20, wuxuuna abuurey hadal heyn badan guud ahaan dunida Muslimka.

Falastiiniyiinta ayaa aad ugu walaacsan in tallaabada Imaaraadka ay wiiqi karto qadiyadda Falastiin ee muddada dheer soo taagneyd- taas oo loo yaqaano hindisaha nabadda Carabta oo dhigaysa in Isreal ay ka baxdo dhammaan dhulka ay xooga ku qabsaday dagaalkii 1967 isla markaana la yegleelo dowlad Falastiin leedahay .

“Waxaan weydiisanay in si cad oo aan la leex leexad laheyn loo cambaareeyo cid kasta oo jabisa hindisaha nabadda Carabta balse waan gaari waynay,” wasiirka arrimaha dibadda Falastiin Riyad al-Maliki ayaa sidaa u sheegay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA.

Dhinaciisa, wasiirka arrimaha dibadda boqortooyada Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan al-Sacuud ayaa sheegay in Riyadh wali taageersan tahay hindisaha nabadda Carabta balse ma soo hadal qaadin heshiiska Imaaraadka iyo Isreal.

Mareykanka, Isreal iyo Imaaraadka Carabta waxay madaxda Falastiin ugu baaqeen in ay dib u soo celiyaan wada xaajoodkii Isreal, la taliyaha sare ahna wiilka uu sodoga u yahay madaxweyne Trump Jared Kushner ayaa sheegay in Falastiiniyiintu looga baahan yahay in aysan ku dheganaanin wixii hore oo ay tahay waaqaca ay la noolaadaan.

Wasiir Maliki ayaa heshiiska Isreal iyo Imaaraadka Carabta ku sifeeyay mid lama filaan ah isla markaana dhul-gariir siyaasadeed ku ah Carabta, isagoo xusay in kulankii deg dega ahaa ee Jaamacadda Carabta fashil ku dhammaaday.

Laakiin wasiirku ma adeegsan ereyo adag oo ay kamid tahay ‘khiyaano’ taas oo madaxda Falastiin isticmaali jireen maalmihii hore ka dib heshiiska Imaaraadka iyo Isreal.

Wasiiru dowlaha Imaaraadka Anwar Gargaash oo wareysi siiyay telefishinka al Carabiya  ayaa sheegay in luuqada dhaleeceynta iyo cambaareynta ay keentay heshiis la’aanta kulankii shalay.

 

Previous Post

Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha, “Hagardaamada Aragagixisadu Ma Hakin Doonto Dadaalka Loogu Jiro Nabad Kusoo Dabaalidda Dalkeenna”

Next Post

Sacuudiga oo Sheegay in uu ka Hortagay Gentaalo Lagu Soo Tuurey

Next Post
Sacuudiga oo Sheegay in uu ka Hortagay Gentaalo Lagu Soo Tuurey

Sacuudiga oo Sheegay in uu ka Hortagay Gentaalo Lagu Soo Tuurey

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
0

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026
0

Muqdisho, 10 Luulyo 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo...

Ururka Siyaasadeedka JSP oo xaruntiisa dhexe ee Galmudug si rasmi ah looga daah-furay Dhuusamareeb

Ururka Siyaasadeedka JSP oo xaruntiisa dhexe ee Galmudug si rasmi ah looga daah-furay Dhuusamareeb

July 10, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta lagu daah-furay xarunta dhexe ee Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In