Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Xoghayihii Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Ee Ku Naf Waayey Qarixii Kismaayo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaan Aadan Cali Xasan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qarixii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed geerida Xoghayihii Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Alle ha u naxariistee, Shaafi Raabi Kaahin oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxan, waxa uuna xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ku lahaa isku xirnaanta ganacsatadeenna Soomaaliyeed iyo dhiirrigelinta maalgashiga dalka.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxan bahalnimada ah in uu Eebbe u boogo dhayo,  waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan arxan laawaha ah, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa in laga xoreeyo guud ahaan dalkeenna.

Previous Post

Ciidamada Senegal Ee Nabad Ilaalinta U Jooga Dalka Gambia Oo Laga Helay COVID-19

Next Post

Al-shabaab oo khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray qarax ay ku aasayeen Gaarisa

Next Post
Al-shabaab oo khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray qarax ay ku aasayeen Gaarisa

Al-shabaab oo khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray qarax ay ku aasayeen Gaarisa

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In