Thursday, September 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Daah Furay Hirgelinta Mashruuca Soolarka Oo Laga Hirgleinayo Waddooyin Miuhiim Ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 12, 2020
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Daah Furay Hirgelinta Mashruuca Soolarka Oo Laga Hirgleinayo Waddooyin Miuhiim Ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daahfuray hirgalinta mashruuca Soolarka oo laga hirgaliyay waddada isku xirta degmooyinka Shangaani, Xamar Weyne iyo Xamar Jajab.

Waddada oo ka soo bilaabata xaruntii hore ee Madbacadda Qaranka ayaa waxay ku dhamaataa Dekedda Xamar, waxaana mashruucan oo ku saabsan hirgelinta nalalka ku shaqeya Cad Cadeedda uu ka mid yahay qorshaha lagu horumarinayo Caasimadda, si dib loogu soo celiyo bilicdii ay lahayd magaalada.

Related posts

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

September 4, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

September 4, 2025

Qaar ka mid ah Maamulada Degmooyinka ee laga hirgelinayo mashruucan ayaa soo dhaweeyay, iyagoo ku tilmaamay inay qeyb ka tahay tallaabooyinka uu maamulka Gobolka ku horumarinayo Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in Maamulada Degmooyinka looga fadhiyo inay xafidaan nalalka cad ceeda ku shaqeeya ee uu maamulka Gobolka ka hirgelinayo degmooyinka, isagoo ka digay in aan la aqbali doonin in howlaha uu maamulka qabto ay noqdaan kuwa la dayacay.

“Solarkii ayaa noo bilowday, waxaana laga hirgelin doonaa saddexda degmo eek ala ah Shangaani, Xamar Weyne iyo Xamar Jajab oo aan gaarsiineyno ilaa iyo dekadda Muqdisho, Maamulka Gobolka Banaadir waxaa waajib ka saaran dhismaha waddooyinka iyo hirgelinta Nalalka cad ceedda ku shaqeeya, balse Maamulada Degmooynka ayaa laga rabaa inay xafidaan howlaha uu Gobolku qabtay”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug Oo Muqdisho Kula Kulmay Safiirka Maraykanka Ee Soomaaliya

Next Post

Xeer-Ilaaliyah Guud Ee Qaranka Oo Daahfuray  Waraaqda Qiimaynta Caafimaadka

Next Post
Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Soo Saaray Digniino Ka Dhan Ah Musuqa “SAWIRRO”

Xeer-Ilaaliyah Guud Ee Qaranka Oo Daahfuray  Waraaqda Qiimaynta Caafimaadka

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

September 4, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, oo ka qeybgalaya Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

September 4, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta qaabilay Taliyaha cusub ee Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal...

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

September 3, 2025
0

Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib u Dhiska ayaa xarunteeda ku martigelisay kulan muhiim ah oo wada-tashi ah, kaas oo...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan

September 3, 2025
0

Howlgal si gaar ah loo qorsheeyay, oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In