Thursday, August 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Iiraan “Cawaaqib xumada ka dhalata Bariga dhexe waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doona Baxrayn iyo Imaaraadka”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 14, 2020
in Wararka
0
Iiraan  “Cawaaqib xumada ka dhalata Bariga dhexe waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doona Baxrayn iyo Imaaraadka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan ayaa si adag u cambaareysay xiriirka Baxrayn ay la lyeelaneeyso Israa’iil, taasi oo lagu sheegay in ay  noqoneeyso sharaf dhac diiwaanka uga li doonta taliska Bahrain, Iiraana waxay si cadd usheegtay in wadamadda Baxreyn iyo Imiraadka ay masuul ka noqon doonaan tallaabo kasta oo Israa’iil ay isku daydo in ay wax ugu dhinto amniga Khaliijka.

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani, ayaa sheegay in gobolka ay ka socdaan shirqoolo ay maleegayaan Mareykanka iyo Israa’iil, wuxuuna intaa raaciyay in markasta Dahraan ay ay ka shaqeyn doonto xaqiijinta amniga iyo xasiloonida gobolka.

Related posts

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 27, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

August 27, 2025

Xasan Ruuxaani  oo la hadlayay Sarakiisha sare Dalkiisa ayaa ka dhawaajiyay in arrimha Mareykanku ku cadaadinayo waddamada Carabta in ay u horseedi doonto xasillooni darro ku timaado amniga gobolka, waxuuna sii iftiimiyay in ay ku xigi doonaan tallaabooyin daandaansi ah o lagu waxyeeleynaayo amaanka guud ee gobalka.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Israa’iil  Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu u ambabaxayo Washington si uu ugu  qeyb galo xaflada saxiixa heshiisyadii ay la galeen Imaaraadka iyo Baxreyn.

Netanyahu ayaa sheegay in bil gudaheed Israa’iil ay heshay laba heshiis oo taariikhi ah oo ay la galeen laba dal oo Carab ah, wuxuuna intaas ku daray in muhiimda kowaad ee uu heshiiskan u saamaxayo ay tahay duulimaadyada tooska ah ee dalalkan iyo horumar ku yimaado nabada Gobalka.

Ururka mucaaradka Baxreyn ee Al-Wifaaq ayaa sheegay in madaxda sare ee  Baxreyn ay wadaan cabsi gelin iyo hanjabaadyo ku qasbayo hay’adaha qaar inay taageeraan heshiiska lala galay Israa’iil, waxayna cadeeyeen in dhowr ururo diimeed iyo kuwa bulshaba ah ay heleen hanjabaad iyo cabsi galin si ay u  taageeraan heshiiska lala galay Yahuuda.

Ururka Al-Wifaaq wuxuu tilmaamay in toddobaadkii hore uu dhacay  is afgarad qaran si loo diido heshiiska Baxreyn ay la gashay Israa’iil, kaasi oo ay ka qeeyb galeen  ururada shaqaalaha, urur diimeedyada, hay’adaha bulshada rayidka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda tallaabada uu qaaday taliska ugu sareeya dalka.

Guud ahaan Ururada siyaasadeed iyo hay’adaha bulshada rayidka ah ee Baxrayn ayaa ugu danbeeyn soo saaray  bayaan ay ku cadeynayaan gabi ahaanba in ay diidanyahiin heshiiska lala galay Israa’iil.

Previous Post

Turkiga oo dib u celiyay Markabka sahanka ah Oruc Reis.

Next Post

Taliska booliska Magaalada Dhuusa-Mareeb oo gacanta ku soo dhigay nin fal dhawac ah geeystay.

Next Post
Taliska booliska Magaalada Dhuusa-Mareeb oo gacanta ku soo dhigay nin fal dhawac ah geeystay.

Taliska booliska Magaalada Dhuusa-Mareeb oo gacanta ku soo dhigay nin fal dhawac ah geeystay.

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 27, 2025
0

Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa bayaan ka soo baxay Xafiiskiisa ku sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiskii...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

August 27, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha

August 27, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Suudaan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Suudaan

August 27, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In