Saturday, June 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kumanaan Qoys oo ku barakacay wabiga Shabeelle oo ku fatahay Shabeelaha dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Kumanaan Qoys oo ku barakacay wabiga Shabeelle oo ku fatahay Shabeelaha dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa kordhay qasaaraha hantiyeed iyo saamaynta nololeed ee ka dhalatay wabiga Shabeelle oo ku fatahay ilaa 92-tuulo oo hoos yimaada degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe, sida uu sheegay maamyulka gobolka.

Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ahna ku simaha gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ay fatahaadda wabiga ku barakaceen in ka badan 244-kun oo Qoys, kuwaas oo isugu jiray Beeraley, Xoolo dhaqato iyo dad tuulooyinka daganaa,ayag oo hadda u baahan kaalmo.

Related posts

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

June 13, 2026
Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

June 13, 2026

Dhul beereedyo badan oo ay ka baxayeen dalagyada sida Sisinta, Galleey, Bariis, Digir iyo khudaarta nuucyadeeda kala duwan ayaa sidoo kale ku baaba’ay fatahaadda wabiga, waxaana beeraleyda oo faa’iido ka filayey tacabkooda ay hadda ku qasbanaadeen inay cid kale ku tiirsanaadaan.

Dadka ku barakacay fatahaadda ayaa qaarkood soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay maareeyaan nolol maalmeedkooda, waxaana wali jira cabsi laga qabo inay fatahaaddu gaarto deegaano kale, sida maamulka gobolku sheegay.

Fatahadda wabiga Shabeelle oo ku soo laalaabatay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa khasaaro maaliyadeed gaarsiisay bulshada gobolladaas oo markii horeba u nuglaa masiibooyinka dabiiciga ah, waxaana ay fatahaaddu caqabad ku noqotay wax soo saarkii beeraha iyo hankii ay dadku ka lahaayeen inay koboc dhaqaale sameeyaan.

Previous Post

Madaxweyne Qoor Qoor oo Maanta hortegaya Golaha Aqalka Sare

Next Post

Trump “Weerar kasta oo Iiraan ay ku qaaddo Mareykanka waxay la kulmi doontaa jawaab kun jeer ka xoog badan”.

Next Post
Trump “Weerar kasta oo Iiraan ay ku qaaddo Mareykanka waxay la kulmi doontaa jawaab kun jeer ka xoog badan”.

Trump "Weerar kasta oo Iiraan ay ku qaaddo Mareykanka waxay la kulmi doontaa jawaab kun jeer ka xoog badan".

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hoggaamiyaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyay shir amni oo lagu...

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa galabta sameynaya taariikh cusub, maadaama ay markii...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo shaacisay xilliga la qaban doono Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo shaacisay xilliga la qaban doono Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

June 13, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u shaacisay maalinta la qabanayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kulamo muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In