Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Diomede Ndegeya, ayaa kormeer howleed ku tagey ciidamada AMISOM qeybta 5-aad, ee ku sugan magaalada Jowhar, taas oo qeyb ka ah booqashadiisa isbarasho ee uu ku marayo dhammaan lixda qeybood ee AMISOM.
Ciidamada Burundi oo ka hoos shaqeeya AMISOM ayaa gacanta ku haya qaybta 5-aad oo xaruntoodu tahay magaalada Jowhar, halkaas oo xarun u ah dowlad goboleedka Hirshabelle, oo qiyaastii 90km u jirta Muqdisho.
Taliyaha ayaa madaxda ciidamada AMISOm kala hadlay dardargalinta waxqabadka ciidamadaasi iyo ka qeybqaadashada dadaalka loggu jiro soo celinta nabadda iyo ka hortagga kooxaha hubeysan ee argagixisada.