Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka shir guddoominayay ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee marxuum Xidigle Buulle Xuseen oo ka mid ah saraakiisha sida ah gaarka ugu xilsaaran Amniga xarunta Golaha Shacabka oo ay shalay gacan ka xaqdaran ku dhishay magaalada iyo sidoo kale geerida Hooyadii dhashay Xildhibaan Sacdiya Careys oo dhowaan geeriyootay.
Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u codeeyay Heshiiska Iskaashiga Arrimaha Waxbarashada ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana natiijada codeynta ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” iyo Xildhibaan Sacdiya Salaad oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda ee golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada uga mahadceliyay Ansixinta heshiiskan.
Sidoo kale Mudanayaasha Golaha shacabka ayaa Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaan gelinta Dadweynaha iyo Bixinta Aqoonsiga iyo Hindise sharciyeedka Qaxootiga, waxaana Xildhibaanada u Akhriyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha mudane Isaaq Maxamed Maxamuud oo ay la socdeen mas’uuliyiinta Hay’adda Qaxootiga iyo barakacyaasha Qaranka.
Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda dhiiragelinta Maalgashiga iyo sidoo Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Adeegyada Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibi ayaa Golaha uga warbixiyay soo jeedin ay guddoonka golaha u gudbiyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana kulanka soo xiray guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.