Madaxweynaha dawlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhulka ah ku soo gaaray Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Galmudug iyo wafdigiisa ayaa magaalada Galkacyo waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey maamulka iyo shacabweynaha Degmadda iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Galmudug, waxaana safarkiisa Gaalkacyo uu la xiriiraa kormeerka hawlaha maamulka iyo wadatashi uu la yeelanayo qaybaha bulshada.
Sidoo kale Madaxweyne Qoorqoor ayaa tababar u soo xiri doona qayb ka mid ah daraawiishta Galmudug oo bilihii la soo dhaafay loo carbinayey inay ku biiraan qaybtii ugu horraysay ee ciidanka Daraawiishta Galmudug.
Mudane Qoorqoor waxaa socdaalkan ku wehlinayay wasiirka arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Fedaraalka Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel, wasiirka Dekadaha iyo Kalluumeysiga, xildhibano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug Cabdicasiis Nuur.