Monday, September 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka codsaday Golaha Shacabka Ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo dawladda iyo shacabka Kuwait uga tacsiyeeyey geerida Amiirkii dalkaas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Koowaad ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh oo ka shaqeyn karta hirgelinta qorsheyaasha hortabinta u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashada, adkeynta amniga iyo sii ambaqaadidda guulihii dhanka dowladnimada ee sanadihii la soo dhaafay la gaaray.

Madaxweyne Farmaajo oo ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda tashiyadii ballaarnaa ee uu kala yeeshay qeybaha bulshada soo xulista Golaha cusub ee Xukuumadda ayaa kula dardaarmay dhammaan Golaha Wasiirrada in ay noqdaan masuuliyiin ka tarjuma hamiga iyo himalada ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed xilligaan muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga rajeeyey Golaha Xukuumadda ee la magacaabay in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee hortaalla, kana yeelo Gole si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeega shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Previous Post

Akhriso Liiska Magacyada Golaha Wasiirada

Next Post

Jaaliyadda iyo safaaradda Soomaaliyeed ee Sudan oo deeq gaarsiiyey dadka reer Sudan ee fatahaaddu saamaysay

Next Post
Jaaliyadda iyo safaaradda Soomaaliyeed ee Sudan oo deeq gaarsiiyey dadka reer Sudan ee fatahaaddu saamaysay

Jaaliyadda iyo safaaradda Soomaaliyeed ee Sudan oo deeq gaarsiiyey dadka reer Sudan ee fatahaaddu saamaysay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee...

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay...

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In