Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Trump oo qirtay in Koonto uu ku leeyahay bangiyo ku yaalla Shiinaha

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Trump oo qirtay in Koonto uu ku leeyahay bangiyo ku yaalla Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qirtay in uu koonto ku leeyahay Bangiyo ku yaalla dalka Shiinaha, sida uu baahiyay wargeyska caanka ah ee NEW YORK TIMES.

Koontada Trump waxaa maamulaya waaxda Hoteelada caalamiga ah ee Trump, waxaa uu bixiyay canshuur 2013 ilaa 2015 sida ku cad warbixinta wargeyska.

Related posts

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026

Madaxweynaha ayaa ganacsiga dhanka Hoteelada ku leh dalal badan oo Asia ka tirsan, Trump ayaa si weyn uga soo hor jeeda ganacsiga lala xiriiriyo Shiinaha arrintaas oo abuurtay dagaal ganacsi oo u dhexeeya labada dhinac tan iyo intii uu xafiiska yimid.

New York Times ayaa arrintan ku ogaatay markii ay heleen diiwaanka canshuur bixinta Trump taas oo ka kooban midda ganacsigiisa iyo shakhsi ahaantiisa.

Wargeyska ayaa horey u baahiyay canshuur bixinta Trump oo gaaraysa 750 doollar intii u dhexeysay 2016 ilaa 2017, isagoo Bankiga Shiinaha oo uu koontada ku leeyahay laga bixiyay 188,561 dollar oo canshuur ah oo la siiyay Shiinaha.

Madaxweynaha ayaa si weyn uga ad adag mark ay timaado arrinta Shiinaha, qodobkan ayaana ah mid muhiim u ah doorashada saddexda November dhici doonta taas oo ay ku loolamayaan Trump oo jamhuuri ah iyo Joe Biden oo dimoqraadi ah.

Maamulka Trump waxay Biden ku eedeeyeen in wiilkiisa uu xiriir ganacsi la leeyahay Shiinaha.

Alan Garten oo ah qareenka shirakadaha Trump ayaa New York Times u sheegay in waaxda Hotelada Trump ay koontooyin ku leeyihiin Bangiyo Shiinaha ay u bixiyaan canshuurta lagu yeesho, isagoo intaas ku daray in aysan shaqeynin koontooyinkaas oo hadda la joojiyay.

“Wax heshiis ah, wax kala wareegin ama arrimo ganacsi kama jirin xafiiska tan iyo 2015, xafiiska wuu furan yahay laakiin ma shaqeeyo,” Alan Garten ayaa sidaa yiri.

Trump wuxuu ganacsiyo kala duwan ku leeyahay Mareykanka iyo iyo meelo kale, waxaa kamid ah beeraha lagu ciyaaro Golf oo uu ku leeyahay Scotland iyo Ireland, hotel Five Star ah, wargayska New York Times waxaa uu soo wariyay in madaxweynaha Trump uu koontooyinka uu ku leeyahay dalalka; Shiinaha, Britain iyo Ireland ay wali sidii hore u furan yihiin.

Previous Post

Dhageyso Warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Shir looga hadlayay tayeynta tababarrada xubnaha C.I.D-da oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Shir looga hadlayay tayeynta tababarrada xubnaha C.I.D-da oo lagu qabtay Muqdisho

Shir looga hadlayay tayeynta tababarrada xubnaha C.I.D-da oo lagu qabtay Muqdisho

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada...

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

January 10, 2026
0

The Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held its 22nd extraordinary session today, Saturday, 10...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Somalia FM Addresses OIC Meeting, Calls for Protection of Somalia’s Sovereignty

January 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, delivered a speech on Saturday evening at the...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In