Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Trump oo qirtay in Koonto uu ku leeyahay bangiyo ku yaalla Shiinaha

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Trump oo qirtay in Koonto uu ku leeyahay bangiyo ku yaalla Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qirtay in uu koonto ku leeyahay Bangiyo ku yaalla dalka Shiinaha, sida uu baahiyay wargeyska caanka ah ee NEW YORK TIMES.

Koontada Trump waxaa maamulaya waaxda Hoteelada caalamiga ah ee Trump, waxaa uu bixiyay canshuur 2013 ilaa 2015 sida ku cad warbixinta wargeyska.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Madaxweynaha ayaa ganacsiga dhanka Hoteelada ku leh dalal badan oo Asia ka tirsan, Trump ayaa si weyn uga soo hor jeeda ganacsiga lala xiriiriyo Shiinaha arrintaas oo abuurtay dagaal ganacsi oo u dhexeeya labada dhinac tan iyo intii uu xafiiska yimid.

New York Times ayaa arrintan ku ogaatay markii ay heleen diiwaanka canshuur bixinta Trump taas oo ka kooban midda ganacsigiisa iyo shakhsi ahaantiisa.

Wargeyska ayaa horey u baahiyay canshuur bixinta Trump oo gaaraysa 750 doollar intii u dhexeysay 2016 ilaa 2017, isagoo Bankiga Shiinaha oo uu koontada ku leeyahay laga bixiyay 188,561 dollar oo canshuur ah oo la siiyay Shiinaha.

Madaxweynaha ayaa si weyn uga ad adag mark ay timaado arrinta Shiinaha, qodobkan ayaana ah mid muhiim u ah doorashada saddexda November dhici doonta taas oo ay ku loolamayaan Trump oo jamhuuri ah iyo Joe Biden oo dimoqraadi ah.

Maamulka Trump waxay Biden ku eedeeyeen in wiilkiisa uu xiriir ganacsi la leeyahay Shiinaha.

Alan Garten oo ah qareenka shirakadaha Trump ayaa New York Times u sheegay in waaxda Hotelada Trump ay koontooyin ku leeyihiin Bangiyo Shiinaha ay u bixiyaan canshuurta lagu yeesho, isagoo intaas ku daray in aysan shaqeynin koontooyinkaas oo hadda la joojiyay.

“Wax heshiis ah, wax kala wareegin ama arrimo ganacsi kama jirin xafiiska tan iyo 2015, xafiiska wuu furan yahay laakiin ma shaqeeyo,” Alan Garten ayaa sidaa yiri.

Trump wuxuu ganacsiyo kala duwan ku leeyahay Mareykanka iyo iyo meelo kale, waxaa kamid ah beeraha lagu ciyaaro Golf oo uu ku leeyahay Scotland iyo Ireland, hotel Five Star ah, wargayska New York Times waxaa uu soo wariyay in madaxweynaha Trump uu koontooyinka uu ku leeyahay dalalka; Shiinaha, Britain iyo Ireland ay wali sidii hore u furan yihiin.

Previous Post

Dhageyso Warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Shir looga hadlayay tayeynta tababarrada xubnaha C.I.D-da oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Shir looga hadlayay tayeynta tababarrada xubnaha C.I.D-da oo lagu qabtay Muqdisho

Shir looga hadlayay tayeynta tababarrada xubnaha C.I.D-da oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In