Thursday, September 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada Galmudug iyo wafdi la socday oo socdaal ku tegay deegaanno ka tirsan Galmudug “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada Galmudug iyo wafdi la socday oo socdaal ku tegay deegaanno ka tirsan Galmudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kormeer ku tegay deegaannada Xeraale, Lajiide, Towfiiq iyo Miirjiicleey oo ay xalay ku hooydeen.

Ujeedka socdaalka wafdiga Wasiirada ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ahaa mid ay ugu kuurgalayeen baahiyaha ka jira adeegga bulshada iyo abuuridda kalsooni shacabka, iyadoo shacabka laga dhageysanayo duruufaha ay ku suganyihiin.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

“Dhul baaxad weyn oo ka mid ah dhulkii aan marnay wali waa jiilaal, halka meelaha qaarna uu roob culus ku da’ay, meelaha qaar waxaa ku habsaday Ayax fara-kabax ah. Intaan safarka ku jirnay waxaan la kulannay diyaarad  Helicopter oo ay saaranyihiin shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Galmudug oo buufinaya Ayaxa. Diyaaraddu waa soo degtay waana la sheekeysannay sida xaaladdu tahay iyo waxa u qabsoomay maadaama uu nala socday Wasiirka Beeraha Galmudug”. Ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Galmudug.

Mudane Maxamed Xaashi Dhoore ayaa yiri “Intii aan safarka ku jirnay waxaan awoodda saarnay sidii shacabka loo dhiirigelin lahaa, loona dhisi lahaa kalsoonida ka dhexeysa shacabka iyo Dawladda, waxaana deegaannada aan kormeerka ku tegnay aan booqanay goobaha Waxbarashada”.

Safarka Wasiirka waxaa ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug, Wasiirka Diinta iyo Aqaafta, Wasiirka Beeraha, Wasiiru Dowlaha Caafimaadka, Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Dekedaha iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Galmudug.

Previous Post

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay dhagar qabayaal ka tirsan Al-Shabaab

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska Guriga Hooyooyinka ee Baxsan “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska Guriga Hooyooyinka ee Baxsan “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska Guriga Hooyooyinka ee Baxsan “SAWIRRO”

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In