Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gargaarka XFS oo kulan la qaadatay mas’uuliyiinta Wasaaradda+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gargaarka XFS oo kulan la qaadatay mas’uuliyiinta Wasaaradda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa kulan looga hadlayay dardar gelinta shaqada Wasaaradda la qaadatay shaqaalaha iyo masuuliyiinta Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray fulinta qorshe howleedka billaha soo socda ee Wasaaradda u yaala, kullanka ayaa ahaa kii u horreyay tan iyo markii ay xilka la wareegtay Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026

Wasiirka oo ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in ujeedka kulanka uu yahay qaabka horay loogu sii socon lahaa oo loo dardar gelin lahaa waajibaadka Wasaaradda.

“ Waxaan ka wada hadleynay qaabkii horay loogu sii socon lahaa, loo dardar gelin lahaa waajibaadka na saaran oo ay ugu horeyso inaan raacno faritaanka Ra’iisal wasaare Rooble oo ah qorshe howleedka barnaamijkiisa xukuumadda oo ah sagaashanka cisho ee ugu horeeyo iney Wasaaradda soo bandhigto barnaamijkeeda hor tebinta leh,” ayay tiri Wasiir Khadiijo oo kulanka ka hadashay.

Kulanka ka dib, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo masiibooyinka Qaranka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa kormeer ku sameysay waaxda wargelinta xaaladaha deg dega ah, halkaas oo ay warbixin kaga dhageysatay shaqaalaha xarunta.

Kullankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud iyo madax qeybeedyada Wasaaradda.

Tags: Wasiirka Gargaarka XFS oo kulan la qaadatay mas’uuliyiinta Wasaaradda+Sawirro
Previous Post

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada JFS oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjireyaasha  Masar iyo Jarmalka+Sawirro

Next Post

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo kormeeray Xarunta Dhul bixinta Dowladda Hoose+Sawirro

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

January 7, 2026
0

The Minister of Defence, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today officially concluded a military training programme for units of the Gorgor...

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo ku guulaysatay siidaynta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo 4 maalin ah ku xayirnaa xeebaha Dalka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee...

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In