Goobasha sida xoogan uu u saameeyay roobka isla markaan ay ku go’doomeen dadkii deganaa ayaa waxaa ka mid ah Warta Siigaale ee Degmada Hodon ee Gobolka Banaadir oo bulaacadda warta oo buux dhaaftay ku fatahday xaafadaha ku dhow
Waddooyin iyo xaafado ka tirsan Degmada Warta Nabadda ayaa ka mid ah goobaha sida weyn uu u saameeyay biyaha ka dhashay roobka ka da’ay caasimadda, waxaana bur buray wdooyinka dhex mara xaafadaha, iyadoo dadku ay ka barakaceen guryihii ay deganaayeen
Qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho oo ka hadlay saameynta iyo dhibaatooyinka ka dhashay roobka ayaa sheegay in qaarkood ay ka barakaceen xaafadahooda, kaddib markii daadad ka dhashay roobka uu ugu galay guryahooda.
Markii la gaaro xili roobaadka sanad walba ayaa waxaa ka dhasha saameyn xoogan iyo barakac, waxaana biyaha roobka ay gooyaan wadooyinka, iyadoo xaafadaha qaar ay ka sameystaan biyo fdhhiisad, waxaana Maamulka Gobolka Banaadir loogu fadhiyaa inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka soo laab laabtay ee ka dhasha roobka.